Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

News September 19, 2009

Wasaarada Waxbarashada Oo Soo saartey Natiijada Imtixaankii sanad dugsiyeedka 2008/2009 

Madaxa imtixaanaadka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday imtixaankii sanad dugsiyeedka 2008 ilaa 2009. iyaga oo qabtay xaflad lagu soo bandhigay natiijada imtixaanaadka taasi oo saaka lagu qabtay xafiiska imtixaanaadka. Ayaa Xafladaasi waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland mudane.Xasan X.Maxmud X.Gadhweyne iyo dhamaanba maamulada iskuulada kala duwan ee dalka

Waxaana ugu horeyba halkaasi ka hadlay madaxa imtixaanaadka Mr Daa’uud isla markaana waxa uu ka war bixiyey tirada guud ee ardayda dalka ee sankan u fadhiisatay imtixaanka isaga oo sheegay tirada dugsiyada sare 3174 arday waxaana ka dhacay sida uu ku war bixiyey 174arday halka ay baaseen 3000 00 arday halka ay dugsiyada dhexana aya dhamaayeen sanadkan 8142 arday isla markaana aya dhaceen 541 arday halka ay ka baaseen 7402arday.

Mr Daa;uud waxaa uu u mahad naqay dhamaanba ardaydii ku guulaysatay darajooyinka sare iyo waalidkoodii waxaana u si habsami ay ugu wareejiyey hadalka wasiira si uu u shaaciyo una saxeexo natiijada imtixaanka .

Wasiirka wasaarada waxbarasha ayaa intaasi kadin sheegay iskuuladii ku guulaystay kaalmaha koowaad ilaa tobnaad ee dugsiyada sareiyo kuwa dhexeba waxana toban u sareeya qaaday iskuulada AL-AQSA ,Nuuradiin,Sh.aAi Jawhar iyo Ilays, ugu danbayntiina waxaa uu u mahada naqay dhamaanba ardeaydii iyo waalidiintoodii ku soo tacabtay isla markaana isada wayn uugu soo daddaashey.