Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Qaabka looga ciido Yemen November 25, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 11:09 pm

Bulsho waliba dhaqankeed, Umad waliba hidaheed…Waxa lagu jiraa maalmihii u danbeeyey ee u diyaar garawga ciida barakaysan ee Ciidul Adxa, hadaba dalalka Muslimka ayaa si weyn looga xusaa munaasibada Ciida gaar ahaan ciidan oo iyadu kaga duwan ciida kale hilibka iyo xoolaha la qalo maalintan.

Dalka Yemen ayaa aad uga duwan qaabka looga ciido dhulka Soomalidu degto, waxana laga yaabaa in hadii maalmaha ciidda ee aad timaado magaalada caasimada ah ee Sanca ama magaalooyinka kale ee waawayn sida Tacis iyo Cadan in aad dhabanada is qabato marka aad aragto magaalooyinka oo khaakhanaya amaba aanay joogin dad badani. Halka magaalooyinka Soomaalida ay aad u camirmaan maalmaha ciidaha oo miyiga looga yimaado magaaloyinka carabtu waa ka duwan yihiin oo tuulooyinka iyo miyiga ayaa lagu soo ciidaa oo camirma. ku darsoo badanka goobaha ganacsiga iyo meheradaha kale sida hoteelada wax laga cuno, maqaaxiyaha iwm ayaa iyagana iridaha loo laabaa marka laga reebo mid mid dhif ah, waxa kale oo taas dheer in mudo todobaad amaba ka badan ciida kadib ay sii xidhnaadaan, waxana ay soo noqdaan dadku mudo laba todobaad kadib iyaga oo qaarkood kaba sii mudo dheeraadaan. Mudadan magaalooyinka laga hayaamay waxa ku hadha oo keliya ciidamada ammaanka iyo dadka ajaanibka ah, waxana magaaladu noqotaa sanqadh la’ iyada oo gaar ahaan ardaydu aad uga cawdaan meheradaha xidhan iyo adeegyada ay u baahan yihiin oo aanay mudada ciida heli karin.

Dhanka kale waxa diyaargarowga ciida la dareemaa maalmaha u danbeeya intaan ciidu soo galin, waxayna dadka maxaliga ahi aad arkaysaa iyaga oo aad u camiraya suuqyada iibsanayana hadyado kala jaad jaad ah sida macmacaan, xalwado, waxyaabaha laysku qurxiyo, dhar , kabo iwm. Dalkan Yemen waxa inta badan dhacda waqtiyada ciidaha in ay kor u kacaan shilalka gawaadhida u kala goosha magaalooyinka iyo dhulka miyiga ah, waxana taas ugu wacan tirada gawaadhida ee wadada sanka isku haysa. Maalmahan waxa kalo oo aad arkaysaa dabaaldeg aad ubadan oo daafaha magaalada ka socda, sanqadha ama dhawaqa waxyaabaha cirka loo gano ee lagu dabaal dego, heeso aad loo dhegaysanayo iyo qaad badan oo lagu dabaal degayo.

Guud ahaan dalalka Carabta gaar ahaana dalkan maaha wax lala yaabo muhiimada la siinayo dhulka miyiga ah waxadna arkaysaa in marka uu kuu faanayo ninka Yemeniga ahi uu ku odhanayo anigu waxan ka imi tuuladaa ama miyiga meel hebla la dhaho, waxadna moodaa inaynu soomali ahaan ka duwan nahay taas oo aynu ku faano magaalooyinka waawayn inaga oo iskuba cayna qofkani waa reer baadiye ama waa reer miyi , taasina waxay ina tusaysaa sida aynaan weli ugu bislaan wadaninimada iyo ku dhaadashada dhulka Hooyo.

Waxa kale oo dadkani aad ugu adag yihiin dhaqankooda oo ciid iyo waqti kastaba ay xidhan yihiin dharkooda ay ku caanka yihiin gaar ahaan mindida ama toorayda afka qaloocda ee loo yaqaan “JEMBIYA”, waxana lagu tilmaami karaa dad aad u dhaqan adag sida hindida oo ku faana dhulkooda iyo ciidooda.

Axmed Shawqi
shawqi06@hotmail.com
Sanca-Yemen

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s