Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Dabaaldegga Ciida Arafo iyo Ururka Ardayda JSL -YEMEN November 25, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 11:51 pm

Magaalo madaxda dalka Yemen ee Sanca, waxa habeenkii xalay ka dhacday munaasibad loogu magacdaray: Cawayska Ciidda iyo Ururka Ardayda JSL ee dalka Yemen, taas oo uu ururka laftiisu soo qaban qaabiyay laguna qabtay hotelka Alshallal Tourist Hotel.

Xafladdan oo ay kazoo qayb galeen xubno farabadan oo ururka ka mid ah iyo martisharaf kale waxa ugu horayn lagu furay aayado quraana , kadibna cashar diini ah oo ka hadlaya fadliga cilmiga ayaa lagu xejiyay.
Gudoomiyaha ururka ardayda JSL ee dalka Yemen, Mr Axmed Maxamuud Cilmi oo madasha ka hadlay ayaa ka xog waramay waxqabadkii ururka iyo fasaxii ardaydu ku tagtay Somaliland iyo waxa uga soo qabsoomay, barnaamijka ururka iyo ahmiyadda ururku ku fadhiyo. Ugu danbayna wuxu hambalyada salaamaha u diray dhamaanba ururada ardayda ee dalalka debedda, shacbiga Somaliland, ardayda jaamacadaha Somaliland iyo dhamaan bulshada Muslimka ah isaga oo u rajeeyey inay ciidan ciideeda ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Ibrahim Sheekh Bashiir, oo ka mid ahaa martisharafta madasha joogtay, kana tirsan ardayda Somaliland ee dalka Sudan, wuxuna ka warbixiyey ardayda Somaliland ee dalka Sudan, isaga oo talooyin wax ku ool ahna usoo jeediyay ardayda oo uu aad ugu nuuxnuuxsaday ahmiyada ka faaidaysiga dhalinyaronimada, isaga oo xusay in ardaydu tahay doblamaasiyiin metalaya dalkooda sidaas awgeedna ay muhim tahay in ay noqdaan ku dayasho wanaagsan wuxuna ugu danbaynti amaan usoo jeediyay ururka ardayda JSL ee dalka Yemen isaga oo tilmaamay inuu gaadhay horumar fiican iyo isku xidhnaan.

Caweyskan oo aad u xiiso badnaa waxa dadka ka qosliyay Maxamed Maxamuud (Asaari) iyo C/qaadir Maxamed Nuux oo gabayo iyo majaajilo qosol badan halkaas kusoo bandhigay.
Ugu danbayntiina munaasibadan oo casho sharaf iyo xaflad isugu jirtay, waxay ku dhamaatay jawi farxad leh iyada oo ardayda JSL si weyn wejiyadooda looga dareemayay farxadda maalintan barakaysan ee Ciidda, waxayna hambalyo kal iyo lab ah hawada usoo marinayaan dhamaanba shacbiga Somaliland gudo iyo debedba.

Xoghayaha ururka Ardayda JSL ee dalka Yemen
Xasan Xaaji Aadan
suyemen@hotmail.com
Sanca -Yemen

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s