Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Facebook: Mareeg Caalami ah,Madal kulmisa Dadweynaha iyo Mooganaanta Waalidka November 19, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 11:45 pm

Ha u malayn in aad TV, Radio, Wargeys iyo Boodhadh aad u baahanayso hadii aad rabto inaad afkaartaada gudbiso saamayna ku yeelato bulshadaada iyo caalamkaba. Ha la yaabin hadii aad maqasho in qoraal ama vedio ama cod aad gelisay Internetka gaar ahaan mareegaha bulshada uu ka dheereeyey wax aad ku qortay wargeys oo lacag badani kaaga baxday ama aad TV kasii daysay. Laakiinse weli ma ka fekertay in waxa aad qorayso lala socdo, mase ogtahay in caalamku yahay shaashad yar ama tuulo yar oo lays wada yaqaano, layskana war hayo? Bal akhriste meerisyadan hoos ku qoran akhri oo adba ila garo jawaabaha.

Mareegaha Internetka ee Facebook iyo Myspace ayaa lagu eedeeyey dacwado ka dhan ah anshaxa gaar ahaan hab dhaqanka caruurta oo mareegahani ku guuldaraysteen inay ka shaandheeyaan bogagooda waxyaabo badan oo aan ku haboonayn barbaarinta ubadka. Sidoo kale waxay gaashaanka ku dhufteen inay ku biiraan xarunta ilaalinta ku tacadiga caruurta iyo macluumaadka khadka ku jira (online) ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano (Ceop).

Shabakadaha arrimaha bulshada sida myspace iyo facebook ayaa lagu dhaliilay inaanay lahayn ” badhan codsi” oo ay caruurtu taabtaan marka ay la kulmaan hadidaad iyo cagajuglayn ama haasaawe ama falal budhcadnimo oo ka dhan ah caruurta. Mareegta ” Bebo” ayaa ka duwan oo iyadu hirgalisay badhankan gudbinaya qofka laso dacweeyey iyo falka uu ku kacayay si talaabo laga qaado.Marka qofku badhanka taabto waxa dacwadiisu u gudbaysaa koox saraakiil ah oo ilaaliya anshaxa mareegaha, sida ay kooxdani dhowaan sheegeena bishiiba waxa soo gaadha ilaa 10,000 oo dacwadod.

Dhawr website sida MSN Messenger, Bebo iyo Facebookba waxay qofka isticmaalaya siiyaan fursad ah inuu gudbiyo dacwad ka dhan ah qof faraxumayn ku haya ama waxyaabo aan haboonayn ku dhex sameeya websiteka hase yeeshee malaha badhan u diraya dacwada cid ka baxsan shirkadaha leh websiteyada waxana dhacda in dacwada la iska ilaabo ama aanba la tixraacin inbadan, hase yeeshee Bebo waa ka duwan tahay waxayna leedahay badhankan ku xidhan Ceop-da.

Caruurta ayaa ah kuwa ugu nugul ee laga duufsan karo baraha internetyada, kana kasban kara dhaqan xumo, hadidaad iyo faraxumayn sida dhacda inbadan oo caruur laga duufsaday internetka la faraxumeeyey ama la dilay. Sanadkan horaantiisiina dalka Ingiriiska waxa xukun aan hore loo arag lagu riday wiil 18 jir ah oo la yidhaahdo Keeley Houghton oo lagu xukumay xabsi saddex bilood ah kadib markii lagu helay inuu Facebooka uga cagajugleeyey haweenay.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxweynaha maraykanku Mr Obama uu uga digay dhalinyarada inay ka feejignaadaan waxyaabaha ay ku qoraan Facebooka, oo uu sheegay in macluumaadka muhiimka ah ee qofka sida cinwaanka laga helo iyo wararka sirta ah ay halis ugu jiraan in la dheehdo kadibna qofka lagula kaco falal budhcadnimo, shirqoolo, tuuganimo iwm. waxana hadalka madaxweynaha kadib lagu baahiyay Facebook vedio tusaya gabadh sawirkeeda galisay facebooka iyada oo aan cidna ka xanibin, kadibna ay la kulantay in qofkastaaba salaamo oo magaceeda ugu yeedho meel kasta oo ay marto isla markaana sawirkeeda la sudhay meelo badan.

Hadaba waxa loo baahan yahay in qofku aanu macluumaadkiisa muhiimka ah u bandhigin dadweynaha iyo caalamka balse uu xadido cida arkaysa si dhibta uu uga badbaado. Ku darsoo mareegaha arrimaha bulshada ka hadla waxa badanaa ka muuqda waxyaabo badan oo dhaqanka ku lidi ah kana baxsan aadaabta iyo anshaxa diinta Islaamka, waxana haboon in qofka muslimka ahi laba jibaar ka feejignaado arimahan ay dadka aan islaamka ahayni la dagaalamayaan.

Ugu danbayn, Facebook oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Maraykanka waa goob ganacsi oo lehna hadafyo kale oo qarsoon, waxana kale oo uu yahay il warbaahineed oo Ingiriisku leeyahay oo saameeya nolosha dad badan.waxana uu noqday habka ugu fudud ee laysku dhaafsan karo fikradaha iyo macluumaadka iwm, iyadoo ay dhalinyaro badani abateed u hayaan oo uu kasbaday sida ka dhacday dalka Masar oo gabdh dhalinyaro ahi ay kicisay shacabka Masaarida oo dhan hadal ay ku qortay Facebooka awgii.

Si kastaba ha ahaatee waxa cad in hadii si xun loo isticmaalo baraha iyo mareegaha internetka uu qofku kala kulmi karo arrimo badan oo aan la mahadin waxana waalidka lagu boorinayaa inay la socdaan oo ka warhayaan waxyaabaha ay ubadkoodu ka sameeyaan internetka iyo goobaha ay booqdaan.

Ahmed Mohamoud Elmi (Shawky)
Shawqi06@hotmail.com
Middle East News Desk
Sanca -Yemen

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s