Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Liiska Jaamacadaha Adduunka ugu fiican oo lasoo saaray November 4, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 12:26 am

harvardJaamacadaha Maraykanka ayaa hogaanka u qabtay markii lixaad liiska Jaamacadaha ugu fiican adduunka. Liiskan oo ay soo wada saareen Xarunta Jaamacadaha Caalamiga ah iyo Machadka Tacliinta sare ee Shanghai waxa Saddexda kaalmood ee u sareeya kala galay Jaamacadda Harvard oo kaalinta koowaad gashay,jaamacada Stanford oo kaalinta labaad gashay iyo Jaamacadda Calinfornia (University of California at Berkeley ) oo gashay kaalinta 3aad.

Jaamacadaha Cambridge iyo Oxford oo ku yaala carriga Ingiriiska ayaa liiskan ka galay kaalmaha 4aad iyo 10aad waa sida ay isugu xigaane. Jaamacadda Tokyo ee dalkaasi Japan ayaa iyadu cidhiidhsatay kaalinta 20aad.

Hase yeeshee liiska jaamacadaha sanadkan ku guulaystay kaalmaha 10aad ee u horeeyaa waa kuwii sanadkii 2008dana kaalamahan galay, sidaa darteed wax isbedel ahi kuma iman 10ka kaalmood ee u horeeya.
50ka jaamacadood ee u horeeya 36ka mid ah ayaa Maraykanka ku yaala,halka 100ka u horeeyana 67 kamidi ay Maraykan yihiin, 13na ay ku yaaliin dalka Ingiriiska iyo 5 dalka Japan.

Jaamacadaha kale ee caanka ah waxa ka mida kuwan hoos ku qoran waana tan kaalmaha ay galeen:
Jaamacadda London………………………kaalinta 21aad
Machadka Teknolojiyadda ee Sweden….kaalinta 23aad
Jaamacadda Kyoto ee Japan…………….kaalinta 24aad
Jaamacadda Toronto………………………kaalinta 27aad
Jaamacadda Paris 6……………………….kaalinta 40aad
Jaamacadda Copenhagen ……………….kaalinta 43aad

Dalalka Carabta ayaa iyagu aan meelna kasoo gelin liiska 400 ee Jaamacadood ee adduunka ugu fiican iyada oo Jaamacadda Boqor Sacuud ee dalka Sucuudigu tahay tan keliya ee wadamada carabta kaga jirta liiskan iyadoo ku jirta kaalinta 428 aad.
Jaamacadda Al-Cibriya ee Yuhuudu leedahay ee Israel ku taal ayaa kaalinta 64aad ka gashay liiskan.

Waxyaabaha lagu kala saaro jaamacadaha waxa ka mid ah: Tirada Qoraalada Cilmiga iyo daraasadaha ay soo saaran, Tirada shaqaalaha Jaamacadda iyo ardayda ka qalanjabisa ee ku guulaysta billadaha Nobelka ee caalamiga ah, Hababka Waxbarasho ee Jaamacada, Tirada Baadhayaasha Cilmiga ama kuwa daraasadaha sameeya ee Jaamacaddu leedahay iyo xaddiga lacagta ama miisaaniyada jaamacadda ku baxda marka la barbar dhigo xajmiga jaamacadda.

Sanadkasat waxa la liis gareeyaa 1000 ka jaamacadood ee ugu fiican caalamka iyada oo 500 ee ugu sii darajo fiican si rasmi ah loogu dhawaaqo, waxana markii ugu horaysay lasoo saaray liiska tartansiinta Jaamacada sanadkii 2003da.

Sababo badan ayaa loo aanaynayaa inay la hadheen jaamacadaha qaaradaha Koonfur Amerika, Afrika iyo Aasiya, waxana ka mid ah iyada oo qaabka wax loo baraa ardyadu xoogga saarayo wax dhigasho keliya halkii daraasado iyo baadhis ay ardaydu samayn lahaayeen, waxa kale oo taas weheliya iyada oo arday badani debeda u dhoofiyaan aqoontooda marka ay jaamacadaha dalalkooda ka baxaan ama aanayba kusoo noqon dalkooda marka ay debedda tacliintooda Jaamacadeed kusoo dhamaystaan, sidoo kale waxa mushkiladaha hadheeyey jaamacadaha dunida saddexaad ka mid ah maamul xumo iyo xukuumadaha oo badanaa ku mashquula ilaalinta danaha madaxda sarsare iyo ilaalinta amniga halkii ay muruq iyo maskax ku filan gelin lahaayen waxbarashada. Horumarka dhaqaalaha oo liita ayaa isna qaybtiisa ka ciyaara dib u dhaca waxbarashada Jaamacadaha dalalka soo koroya iyo Haayadaha maamula Waxbarashada sare sida Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista oo hawshoodu noqoto socodsiin halkii ay isku xidh ka ahaan lahayd iyo jihayn.

Isku soo wada xooriyoo, Jaamacadaha dalalka soo koraya ayaa daraasad lagu ogaaday inay sii kordhayaan tiro ahaan balse sii xumaanayaan tayo ahaan, mana jirto badanka horumar xooggan oo dhanka tacliinta sare ah oo ay qaadeen dalal badan oo ku yaala dunida saddexaad.

Axmed Maxamud Cilmi (Shawqi)
shawqi06@hotmail.com

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s