Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

XUQUUQDA HAWEENKA IYO DOORKOODA. -Qaybta 1aad November 2, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 10:33 pm

GetAttachment.aspx
Hordhac.
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh
Hadraawi

Waxa aan muran ku jirin in haweenku yihiin laf-dhabarta iyo udub-dhexaadka bulsho kasta, ha noqoto buslhadaasi mid garawsata xaqiiqadaa ama mid aan fahmin e, bulshana waxa ay ka hormartaa kuwa kale ee la faca ah kolba sida ay u qadariso una dhamaystirto dhamaan xuquuqda xubin kasta oo ka mid ah. Haweenku waa bulshada badhkeed (nuskeed), mana aha bulsho inay fudaydsato badhkeed, ama dhalliisho, ama dulmido, ama buriso xuquuqda ay mudan yihiin. Iyadoo ay aqoonyahanada islaamka qaar ku macneeyeen inay haweenku yihiin bulshada badhkeed, tiro ahaan lakiin saamayntoodu ay ka balaadhan tahay ta ragga ama bulshada inteeda kale.

Haweenku waa dugsi (school), haddii si fiican loo dhiso dugsigaasina waxa uu soo saarayaa jiil waxtar leh, oo anfacaya dhamaan qayabaha kala duwan ee bulshadaasi, isla markaasina ka taga raadad dhaxal-gal ah oo ay hiigsadaan jiilalka ka danbeeya. Sidaa darteed ayaa hogaamiyayaasha, culimada diinta iyo aqoonyahanaduba ay mudnaan badan u siiyaan barbaarinta gabdhaha, iyo arrimaha haweenka, ilaa inta ay, noqonayso xubinta mudan in la karaameeyo oo la maamuuso, laga ilaalinayo xad-gudubyada iyo dulmiga, loona hirgalianyo heitaanaka xaqa waxbarasho, shaqo iyo guur ee ay ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Diinteena Islaamka waxay ka badbaadisay dumarka dulmigii iyo xadgudubyadii lagula kici jiray iyo sidoo kale fikradihii laga aaminsanaa haweenka. Islaamka ka hor, dhaqanadii carbeed iyo kuwii kale ee waayadaa jirayba waxay ahaayeen kuwa dumarka aad u duudsiyay xuquuqdii ay lahaayeen, xataa xaqa ay u leedahay inay noolaato, iyadoo aad loo sharaysan jiray dhalashada inanta, waxaana ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa mararka qaar loo kala iibsan jiray sida badeecadaha iyadoo la dafirsan yahay xataa qofnimadeeda iyo shaqsiyadeeda. Mid ka mid ah aabayaashii carbeed ee noolaa wakhtigaasi jahligu baahsanaa ayaa sida taariikhdu dhigayso loo sheegay in xaaskiisii umushay gabadh, waxa uu ku calaacalay isagoo murugaysan in aanay wax faa’iido ah lahayn, waxa kaliya ee ay kartaana tahay qaylada iyo oohinta xilliyada loo baahan yahay in seefta la qaato, sama-falkeeduna yahay tuugo ay xoolaha aabeheed iyo ka saygeedaba xaddo.

Islaamku wuxuu hor istaagay dhamaan dahaqanadii lidiga ku ahaa dumarka, wuxuu qiray qofnimadooda, wuxuu siiyay xuquuq la mid ah ta uu ninku leeyahay, wuxuu ka dhigay qof karaamaysan, wuxuu ragga iyo dumarka mid walba saaray mas’uuliyad guud iyo mid gaar ah, oo lagula xisaabtami doono mid waliba fulinta waajibkiisa, waxaana gabadha loo aqoonsaday inay tahay laf-dhabrta bulshada. Fulinta iyo dhaqan-gelinta arrintanina waxay sababtay horumarkii laxaadka lahaa ee ay ku talaabsatay dunida muslimku.

Ku dayashadi indhaha la’ayd ee reer galbeedka..

Aqoonayhanadii reer Galbeedku waxay u kuur-galeen nidaamkii iyo siyaasadii guud ee ay dadyowga Islaamku ku horumareen casriyadii ugu horaysay, dhinacyada cilmiga, nidaamka, siyaasada, falsafada iyo hab-dhaqankii guud ee dhexdooda iyo sida loo maareeyay xidhiidhka ay la lahaayeen dadyowga kale ee aan haysan diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa diin ku sifowday dhamaystirni, cadaalad iyo la jaan-qaadka wakhti kasta iyo meel kasta, maadaama ay tahay diin Waxyi ku soo degtay, tahayna xeerarka iyo xukumada Ilaahay (swt) u dajiyay adoomihiisa, farayna inay u fuliyaan sida ay u dhigan tahay. Aqoonyahanada reer Galbeedku waxay go’aansadeen inay Islaamka kaga daydaan isla markaana kula tartamaan waxyaabo badan sida cadaaladda, sinaanta, arrimaha xuquuqda haweenka iyo habka guud ee maamulka. Tartankani wuxuu dhaliyay in ay la yimaadaan waxyaabo kale oo dheeraad ah iyagoo u haysta in korodhka iyo qodobada dheeraadka ah ee ay keenaan u horseedi karo libin ay ka soo hooyaan tartankan. Xurmaynta haweenka iyo soo bandhigida xuquuqdoodu waxay ka mid ahayd waxyaabihii laga xigtay dadyowga Islaamaka ah, ka badbadinta xuquuqdanina waxay sababtay dhibaatooyin hor leh. Sannadku markuu ahaa 1995 ayaa shirweyne algu qabtay magaalada Beijing ee caasimada wadanka Shiinaha, waxa lagaga hadlay haweenka iyo xuquuqdooda. Nasiib darro, qodobadadii la go’aamiyay waxay noqdeen kuwa dhabar-jab ku ah doorka haweenka, isla markaana liddi ku ah abuurkooda. Qodabadii lagu go’aamiyay shirweynahaa waxa ka mid ahaa:

– In haweenku ay helaan xirriyad buuxda, isla markaana dhinac walba kala siman yihiin ragga, xataa dhinaca soo xeraynta maaliyada qoyska.

– In ay u banaan tahay haweenka inay iyaga dhexdoodau is- guursan karaan.
Shir-weynahani wuxuu noqday mid aad looga hadlay isla markaana ka cadhaysiiyay dunida Muslimka iyo in badan oo ka mid ah aqoonyahanadii reer galbeed ee aan Islaamka ahayn. Waxaana laga dayriyay inuu yahay halaagid iyo baabi’in bulsheed.

Qallinkii: Cabdalla Sacad Aw Muuse
shaafici12@hotmail.com
Khartoum, Sudan
BAHDA AQOONKAAB

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s