Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Jaamacadda Geeska (IHU) oo dabaal degtay sanad guuradeedii 4aad October 20, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 2:44 pm

Masuuliyiin ka socda Jaamacadda Walsh ee cariga Ingiriiska oo madasha kaga dhawaaqay inay ardayda Jaamacada siinayaan Shahaado Degree ah oo labaad marka ay dhamaystaan waxbarshadooda: ihu

Waxaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu xusayey sanadguuradii afraad ee ka soo wareegtey aas-aaskii Jaamacadda Geeska (International Horn University), islamarkaana lagu furayey sanad-jaamacaddeedka 2009/2010.2 (daawo sawirada)

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin shir-gudoonka golaha wakiilada Soomaaliland, A/rahman Mohamed A/lahi iyo A/asiis Mohamed Samaale, wasiirka waxbarashada, Xasan Xaaji Mohamuud Warsame, Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha, Xasan….., Gudoomiye-xegeenka Xisbiga kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, wefti ka socda Jaamacad ku taala cariga Ingiiska oo lagu magacaabo Walsh University, Masuuliyiin tira badan oo ka socotey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah, ardayda jaamacaddaha iyo martisharaf kale. 3

Xafladan waxa ugu horeyn ka hadlay madax-weynaha Jaamacada Geeska (IHU) Sh. Almis Yahye X, Ibraahim oo si qoto-dheer uga waramay ahdaafta iyo himilooyinka ay ka leeyihiin Jaamacadda, wuxuu sidoo kale ku war-geliyey ardayda in ay imanayaan macalimiin cusub oo ajaanib ah oo kusoo biiri doona kuwii hore u joogey, isagoo ardayda ugu bushaareeyey inay qaadan doonaan laba degree (double degree) mid ay jaamacaddu siin doonto iyo mid kale oo ay bixin doonto Jaamacadda Welsh University (UK), warkaas oo ay ardaydu si wayn ugu diirsadeen. Hadalkiisiina waxa ka mid ahaa, “…ardayda iyo martidaba wan soo dhawaynayaa, laakiin su’aashu waa maxaa ku cusub IHU. Saddex arimoodba waa inagu cusub yihiin, waa ta hore ee intii aynu kala maqnayn jaamacada waxa loo sameeyey Board of Trustee (BOT). Ta labaad waxa jira in ay Jaamacadda qabtay hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa xaflad si IHU bilaabayso barnaamij Master ah oo distance learning ah oo ay bixinayso Jaamacadda Open University of Malaysia (OUM), is-diiwaan-gelintuna waxay bilaabmaysaa January 20010. Ugu dambayna waxa ay Jaamacaaddu xidhiidh (partnership) la yeelatay Jaamacadda Welsh University oo ardayda IHU dhamaysta siin-doonta Shahaado labaad”. 4

Intaa ka dib waxa madashii lagu daawaday film documentary ah oo ku saabsan jaamacadda IHU iyo wax-qabadkeedii afartii sano ee ay jirtey, kaas oo ay dadkii daawanayey aad ula dheceen.5

Waxa markii dambe migrifookna lagu soo dhaweeyey wefitiga ka socda Jaamacadda Welsh oo ardayda u xaqiijiyey heshiiska cusub ee labada Jaamacadood. Waxayna ku nuux-nuuxsadeen in ay sii balaadhin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Jaamacadda Geeska.6

Ugu dambayntii waxa halkaa hadal ka jeediyey Masuuliyiintii qaranka, Gud. Baarlamaanka, Wasiirka W/barashada iyo Gud-xigeenka Xisbiga Kulmiye oo dhamaantood ku amaanay Jaamacadda Geesku horu-marka ay ku talaabsatay. Kuna dhiiri-geliyey in ay halkaa kasii wadaan.7

Jama Ismial Noor,
jaamacyare11@hotmail.com
BAHDA AQOONKAAB
Hargeisa, S/land.