Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Horumarka Bulshada iyo Saamaynta Aqoonta. October 15, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 12:45 pm

Bulshadu waa ummad meel ku wada nool oo isku dan, dad, diin iyo dalba ah,waxaana isku xidha dhaqanka iyo diinta oo ay bulsho kastaa ku salayso xeer- hoosaadyadeeda amaba xeerarka wada noolaansho ee bulshadaasi. Hadaba mar kasta oo uu xoogaysto xidhiidhka bulshadu waxa kor u kaca heerkeeda nololeed, waxaana loo tiriyaa inay bulshadaasi tahay mid horumartay. Bulshadu waxay u baahan tahay marka hore waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, sida nabad galyo, ilo biyood, cimilo fiican iyo carro ku wanaagsan waxbeerista iyo dhaqashada xoolaha. marka labaad waxay u baahan tahay inay kobciso xirfadeheeda aqooneed ilaa ay gaadhsiinayso heer ay ka haqab-beelayso baahiyeheeda, isla markaana kaga kaaftoomayso waxyaabo meelo kale uga yimaada.

Mar kasta oo ay bulsho isku daydo inay daboosho baahiyeheeda waxay u baahan tahay xirfad iyo aqoon horumariya hawl-maalmeedyadooda iyadoo lagu kabayo aqoon iyo cilmi xeeldheer oo loo yeesho sida ugu fiican ee hawlahaas looga midha-dhalin karo.

Beeraha iyo xoolaha nool, ayaa ah ilaha aasaasiga ah ee dhaqaalaha kaba isla markaana lagama maarmaan u ah nolosha umaddeena, waxa loo baahan yahay aqoon iyo tiknoolojiyad suura-galisa helitaanka qalab beereed tayo leh, kobcisana wax-soo-saarka beeraha, keenta xirfado cusub oo lagu dhaqo xoolaha, lana darso xanuunada ku dhaca si loo helo dawadooda. Mana aha in loo fahmo inay tahay horumar in dhamaan xubnaha bulshadu ay ka hayaamaan dhul-beereedka, joojiyaana dhaqashada xoolaha iyagoo dan moodaya tafiir-farrida xoolahooda iyo iska fadhiyida magaalooyinka, iyadoo aan laga helayn wax shaqo ah, ama aanu baranayn aqoon uu kor ugu qaadi karo wax-soo-saarka dallaga beeraha iyo xoolaha uu gacanta ku hayo, dhinaca kale marka ay dadku ka tagaan ka midha-dhalinta ilahooda dhaqaalaha, lana hayn ilo kale oo badala, waxa la iskugu imanayaa hal meel waana waxa abuuraya shaqo li’da baahsan ee ka jirta wadankeena (Somaliland), iyadoo aanay dhacayn marnaba in la helo shaqooyin badan oo aan xidhiidh la lahayn ilaha dhaqaalaha ee bulshadeena ( beeraha iyo xoolaha), waxaana dadkena in badan u haystaan in dalalka waaweyn ee ay magacyadooda maqlaan aanay jirin cid xoolo dhaqata iyo beeralay toona. Taasi waxa jawaab ugu filan dalka Maraykanka oo wax kaliya ee dunida kaga horreeyaa ay tahay soo saarka Qamadiga iyo Gallayda. In badan oo ka mid ah dhalinyarteena tahriibaysa ayaa la kulma xaqiiqada, waxaana dhacda nin ka soo orday laba tiro ama in ka badan oo adhi ah, in marka uu marayo wadamada sida Turkiga iyo Talyaanigaba, uu damco inuu shaqeeyo si uu uga saaro cuntadiisa, loo diro inuu ilaaliyo adhi la mid ah kii uu ka yimid.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) isagoo ka hadlaya doorka ay aqoontu ku yeelan karto kala sarraynta iyo horumarka bulshada, waxa uu gabaygiisii “Hayaan”, ku lahaa erayadan:

Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxsaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaa hugmaaya
Bidhaansha guntooda hoose
Waxaa uumiyaha hanuunshay
Waxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyey
Horseed cilmiyeed miyaa?

Dadkaa heegada is geeyey
Dadkaa haqab-beelka gaadhay
Hub-qaad haga dayo miyaa?
Ninkaa buurta roobku helay
Gunteeda ka heesayow
Figteedaa nolol habboon

Waxa aan shaki ku jirin in horumarka bulshada ay lagama maarmaan u tahay aqoon iyo in la helo cilmi la jaan-qaadi kara mustawaha iyo heerka ay bulshadaasi taagan tahay. Hadaba aqoonta ay bulsho u baahan tahay waxay u kala baxdaa mid ah xirfad gacmeed iyo aqoon maskaxeed, waxaana labadaba inta badan ay ka timaadaa kolba sida ay bulshadaasi u horumariso dugsiyada ama goobaha waxbarashada, iyadoo loo baahan yahay in la isku miisaamo labadan nooc, oo ay dugsiyada mar kasta ag socdaan xarumo lagu barto farsamada gacanta-vocational training centres (VTC), iyadoo looga baahan yahay dugsiyadana inay manaahijta ay dhigayaan ku saleeyaan baahiyahooda, diintooda, dhaqankooda iyo heerarkooda nololeed. Hadii ay dhacdo in manaahijtu ka hor-timaado mid ka ah inta aynu soo sheegnay, waxay noqonaysaa mid gol-daloolo ku ah horumarka bulshadaasi, mana aha in manahijta ummad kale dajisatay in laga hir-galiyo bulsho kale dhexdeed, maadaama aanaymarnaba dabooli karin amaba xallin karin baahiyaha bulshadaasi, waayo, cudurka gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaadhayo.

Inkastoo ay jaamacaduhu yihiin mashiinka firfircoonida iyo taaba-qaadka bulshada, hadana waxa muhiim ah in waxbarashada ka horaysa heerka jaamacadu (pre-university education) uu yahay mid isaguna ka qayb qaadanaya hagida bulshada, iyo ku fikirka daboolida iyo xal-u-helidda baahiyaheeda. Tusaale ahaan, ardaygu inta uu ku jiro heerkaa waa in lagu tababaraa xallinta masalooyin fudud, la tusaa inuu yahay xubin kaalin weyn ku leh bulshada dhexdeeda, laguna abuuraa kalsooni shakhsiyadeed oo u fududaysa ka qayb-qaadashada hawlaha bulshada, iyo gudashada xilka ka saaran horumarkeeda.

Markaan u so noqono jaamacadaha, Bulshada iyo jaamacaduhu wey is-dhisaan oo bulshadu iyadaa marka hore dhisata jaamacad, taa bedelkeed jaamacaduna waa inay tahay mid ka dhisaysa bulshada dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshanimada. Hawlaha ugu horeeya ee ay xoogga saarto jaamacadi waa waxbarid (teaching) iyo cilmi-baadhis (research). Qaybta wax-baridda, jaamcadu waxay keensataa aqoonyahano ku takhasusay tababarida shaqo iyo waxbarasho aasaas u ah horumarka shaqsiyada ardayga jaamiciga ah. Qaybta cillmi-baadhistu waxay kordhisaa helitaanaka macluumad guud, iyo sidii loogu dabiqi lahaa bulshada dhexdeeda.

Jaamacadda qofku waxa uu darsaa ama si qoto dheer oo faahfaahsan u dhiganayaa maaddo ama farac-cilmiyeed, isagoo kaashanaya shakhsiyaad aqoontoodu iyo waayo-aragnimadoodu aad u sarayso. Heerkan waxbarashada inteeda badan waa aqoon-raadshasho iyadoo masuuliyada ugu badan ku dhacaysa ardayga, waxa kaliya ee looga baahan yahay macallinka (lecturer) waa hagid iyo caawimo, lakin maaha inuu ku hor-socdo oo ku wado, iyadoo uu hadafku yahay gudbinta aqoonta iyo u tababarida sidii ay ugu fikiri lahayd jidad kala duwan. Ta kale dadyowga ay ardayga wadaagaan duruus iyo guud ahaan jaamacadaba ayaa ku dhalinaya ku dhex-noolaansho bulsheed iyo khibrad uu ku fahmikaro kuna dareemi karo wada- noolaanshaha iyo taabba-galka bulshadiisa.

Hadaba arday badan, course-yada ay qaataan ee jaamacadeed ayaa ah kuwa ku hagaya xirfadooda shaqo ee mustaqbalka, sida, Dhakhtarnimada (Medicine), Engineering, Cilmiga Computerka ,Loyarnimada iyo noocyada Sayniska ee kala duwan.waana waajib inuu ardayga qaybahan dhiganayaa goob-joog yahay xilliyada la dhiganayo, maadaama uu baranayo xirfad waarta, waxaana qaybtan la isku yidhaa qaybta Sayniska (Sciences).isku-xidhnaanshaha noocan ah loogama baahna ardayda dhigata qaybaha kale ee la isku yidhaa Arts-ka, ama guud ahaan Cilmiga Bulshada (Social Studies),sida Taariikhda (History), Siyaasadda (Politics) iyo falsafadda (Philosophy), iyadoo qaybtani qaabilsan la-dhaqanka bulshada iyo la jaan-qaadidda hawlahooda. Xeel dheerida qaybtani waxay keentaa in hogaamiyayaasha ugu badani ay noqdaan kuwa ka soo baxay qaybtan (Arts-ka)


Maxaa inala gudboon?

Dadwaeynuhu gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalkeena (Somaliland), waxaynu u badan nahay dad iska hiyi-kaca oo kolba halka naq lagu sheego u tartamaya, iyadoo aan filayo in ay ugu wacan tahay asalkeena ah reer guuraaga ee kolba meesha roob ka da’o loo guurayay, oo weli aynu iskaga jirno geeddigii, waayo waxaad arkaysaa qof maqlaya mid kale oo Yurub wax ka keenay, waxa loo guntanayaa sidi halkaa loo tagi lahaa. Waxa kale oo jira in marka la furo wershad soo kordhinaysa was-soo-saar cusub in hal sanno gudaheed la soo dajiyo kuwa kale oo la tartamaya tii hore , iyadoo weli bulshadu u baahan waxyaabo kale oo la soo saaro. Arrintani waxay dhex-gashay saamayna ku yeelatay waxbarashadii oo kolba qayb (field) ayaa lagu tartamaa iyadoo ay dhacday xilliyadii dawladii hore ee soomaaliyeed, ina dadka ugu badan ee Somaliland ka soo jeedaa ay ka soo baxeen Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole, in kastoo aynu aad uga faa’iidaysanay dadki ka soo baxay oo ay yihiin kuwa gadhsiiyay maanta halka ay taagan tahay heerkeena waxbarasho, hadana waxa yaraa dad ka soo baxay qaybo kale ama kulliyado kale. Taasi waxay dhalisay in 1993, la keeno khubaro u dhashay Nigeria , si ay uga caawiyaan Golaha Wakiilada dejintii dastuurkeena, markii la waayay aqoonyahano u dhashay Somaliland oo ku takhasusay qaybtan. Inkastoo aynu is daba-qabanay oo aynu dadaal kadib ku guulaysanay inanu is- bedel samayno, waayo dedaal la’aan ma jirto wax laga midho-dhaliyaa, waakii abwaan Cabdilahi Suldaan Tima-cadde lahaa mid ka mid tixihiisa:

Lama helo wadaadow waxaan cidi u hawshoon.

Hadaba hadafkii ugu weynaa ee loo aasaasay Jaamacadda Hargaysa waxa uu ahaa in la soo saaro dad badan oo ku takhasusay kulliyadaha DHaqaalaha (Business) iyo Sharciga (Law), oo ay aqoontoodu ku yarayd bulshada dhexdeeda, laakiin waxa aan qabaa in imika tirada ay soo saartaana ay tahay tiro ka badan intii bulshadu u baahnayd, oo iyadoo ay aad u yar yihiin inta barata ama baratayba Cilmiga Beeraha (Agriculture) iyo Xannaabada Xoolaha (Veterinary) ayaa tirada dadka bartay Business ay ku dhaw yihiin 10000 oo qof.
Waxa la gudboon dadkeena in ay isku miisaamaan baahida (demand) iyo soo saarista (supply).

Waxaan ku soo gebagebaynayaa, maanta Somaliland aqoonteedu waxay maraysaa heer aad u sarreeya markaynu berbar-dhigno wadamada deriskeena oo imika tirada jaamacadaha wadanka ka furani waxay kor u dhaafeen toban jaamacadood, waana wax aynu ku faanno, lakin waxan ku talin lahaa aqoontaasi waa inay noqontaa mid qofka ku dhalisa kalsooni nafeed iyo mid bulsheedba, awoodna u siisaa inuu ku fikiro siduu wax u hagaajin lahaa ugana durki lahaa is-dhiibidda, iyo tahriibka hallaagay in badan oo da’yarteenna ka mid ah.
Wabilaahi towfiiq.

Cabdalla Sacad Aw Muuse Nadiif
shaafici12@hotmail.com
Khartoum, Sudan
Bahda Aqoonkaab