Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Fikirka iy Nolosha October 15, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 12:01 pm


” U fiirso afkaartaada, waxa ay isu rogayaan ereyo. U fiirso ereyadaada, waxa ay isu rogayaan fal. U fiirso falkaaga, waxa uu isu rogayaa caado. U fiirso caadooyinkaa, waxa ay isu rogayaan hab-dhaqan. U fiirso hab-dhaqankaaga, waxa uu isu rogayaa meesha aad u socoto”

Fikirku waa mid ka mid ah agabyada ay ku hawl gasho maskaxda bani aadamku. Waa hanti ma-guurto ah oo dadku dheer yahay noolaha intiisa badan si uu ugu qaabeeyo nolosha iyo waayaha uu hadba la nool yahay, waana hab dhaxalsiiya qofka tusmo, arag-fogaan iyo aqoon baahsan oo ku salaysan garasho san. Waa habeeye cula, laylya oo fidiya maanka, asteeya qof, qofaf, duul, bulsho, hoos na u dhiga ama kor u qaada. Waa hal-beeg unka waxa qofku aaminsan yahay ee gudaha ugu jira , ubuc hoy u ah yoolalka iyo himilooyinka, iyo nimco ilaahey ku galladay dadyawga, ku sharfay, kagana duway xayawaanka, si dadyawgu ula jaan-qaadaan xilliga, waayaha iyo degaanka ay hadba ku nool yihiin. Haddii aan fikir jirin, marnaba uma suurto gasheen noolaha in uu horumar gaadho una qaabeeyo nolosha hadba sida uu ka raalli yahay.

Waxkasta oo uu qofku isku dayo in uu qabsado ama gaadho waxa ay ku bilaabantaa fikir. Hab-dhaqankeenna iyo falkasta oo aan samaynayno iyo waxa aan qabaneyno waxa ay ka turjumeysaa marwalba fikirkeenna.

Qof kastaa waa hubaal in uu fikiro hase yeeshee waxa lagu kala duwan yahay mugga ama heerka uu joogo fikirka qofku, waxa uu ka fikirayo waxa uu yahay; xumaan ama samaan, tognaan ama tabnaan, dhisid ama dumin, hore-u-socosho ama dib-dhac.

Maanka oo ah barta hoyga u ah fikirku waa beer ay ka soo go’aan oo keli ah hadba wixii lagu abqaalo. Haddii aad ku shinniyeyso oo ku beerto maanka, guul, horumar, kalgacal, waxa aad shaki la’aan ka goosanaysaa midho san. Haddiise aad marwalba ka fikirto waxkasta oo taban- guul darro, dib-dhac, nacayb- waxa aad ku sifoobeysaa fikir taban.
Fikirku waa nolol, noloshuna waa fikir, qofkastaana waxa uu ka fikiro uun buu yahay, ama helayaa.

Aan ku weydiiyo’e, ma fikirtaa? Haddii warcelintu tahay ‘haa’, goorma ayaa kuugu dambeysay in aad fikirto? Mase xasuusan tahay waxaad ka fikireysay wuxuu ahaa? Haddii warcelintaadu tahay ‘maya’, ku soo durug qoraalka maankana fur si aan isugu dayno in aan wadajir uga shaqeysiinno maskaxda una fikirno.
Waa aniga iyo adiga oo wada joogna meel aad u deggan sanqadhuna yar tahay, waxa keliya ee dhegaheennu maqlaanna ay tahay ci’da shimbiraha ku dul shiraya geedaha dushooda. Labadeennaba afkii baa juuqda gabay waayo innagaa sidaas ku heshiinney, si aan door u siinno qodobkaan halkan u fadhinno: fikirid.

Tamartaada isugu gee sidii aad maankaagan dhan walba u foof tagay u soo rogi lahayd una keeni lahayd heer foojignaan. Hor keen maanka waxkasta oo u baahan marmaroojin, rogrogid iyo kala shaandhayn. Kala miir kana dhugo caynka ay u kala yaallaan afkaaraha kugu soo dhacay, inta san ee nafta hiilka u ah ku sab gacmo furan, ku soor caleemo qoyan, kuna dhawee kalkaaga. Inta xun horjoogso, dabadeedna ka qub maankaaga. Marwalba horkeen maankaaga sawir kasta oo kuu muujinaya guul iyo waxkasta oo san, tognaan iyo hufnaanna ku bil. Ka tir maankaaga tabnaanta : ma samayn kartid, ma dhici karto, ma guulaysan karno, noloshu waa xuntahay, iwm.

Waan filayaa in uun in maanku yar guuxay, ku gilgishay, dambar na dhiiqay. Waan filayaa in uun in aad dareentay heerka cusub ee maankaagu galay- shaqo, indho-indhayn, sababayn, kala-shaandhayn.

Caynka afkaarta ka guuxaysa maankaagu waxa ay saamayn toos ah ku leedahay noloshaada. Haddii ay noqdaan qaar caafimaad qaba oo ku suntan rajo wanaag iyo yididiilo, waxa ay ka muuqaneysaa korkaaga iyo qofnimadaada. Waxa aad noqoneysaa qof jaantus fiican ka haysta nolosha, ku niyadsan, raallina ka ah waxkasta oo dhacay, dhacaya, ama dhici doona. Waxa si fudud taas looga dheehan karaa oogadaada, xidhiidhka aad la leedahay deegaanka kugu meersan( noole iyo ma noole) iyo hab-dhaqankaaga guud ahaan.
Si taas ku gudban, haddii waxkasta oo maankaaga ku jiraa ay noqdaan dar ku suntan dayro iyo tabnaan, waxa ay sidoo kale si toos ah uga if-baxaysaa qofnimadaada iyo baal kasta oo ka mida meertadaada nololeed.

Is-bedel kasta oo dhab ah oo dhaca, ha ahaado mid qofeed ama mid kooxeed, waxa uu ku bilaabmaa fikir, si is-bedel u dhacana waa in qofku la socdo waxa uu ku fikirayo ee maankiisa ka guuxaya si waxa uu ku fikirayaa haddii uu u noqdo mid taban uu u rogi lahaa mid togan, hadii uuba yahay mid toganna uu u rogi lahaa fal.

Fikirku jaadad badan sida aad u qaybisaana waxa ay ku xidhan tahay hadba dhanka aad ka eegto. Si la jaan-qaadi karta biyo-dhaca qoraalkan ayaan haddaba fikirka u qaybin karnaa, ama uu u qaybsamaa, mid taban iyo mid togan.

FIKIRKA TOGAN

Qofka fikirkiisu togan yahay waxa lagu gartaa in uu yahay qof qiime sare leh oo sharaf iyo qofnimo suuban oo ku dayasho mudan ku suntan. Marwalba waxa uu dhiirrigeliyaa inta ku xeeran, la qaybsadaa hawl kasta oo ay faraha ku hayaan hadba intii uu karo. Waxa uu markasta ku dadaalaa kobcinta iyo horumarinta naftiisa iyo inta ka ag dhow. Waxa uu iska ilaaliyaa oo naftiisa ka sarreysiiyaa astaamaha taban ee qiimaha, gobanimada, iyo milgaha qofnimo hoos u dhiga. Qofka fikirkiisu togan yahay waa qof si cad u garawsan waxa uu nolosha ka rabo, ku qanacsan inta uga kadban maalin kasta oo soo marta, kuna niyadsan waxa maqan. Filashadiisu waa mid san, halkii wax-ka-qabasho iyo hagaajin u baahanna far ciddideed kama hagrado. Is-bedel kasta oo dhaca waxa uu ku ladhaa duco badan waxa uuna rajeeyaa in ay xigi doonto fudayd, guul iyo ka-soo-rayn. Awooddiisa iyo garashadiisa waxa uu isugu geeyaa in dhib kasta oo la soo gudboonaata uu u helo marin lagaga baxo ugana dabaasho.

Fikirka togan waxa sees u ah kalsoonida nafta. Ma noqon kartid qof guuleysta ama xasilloon haddii aanad ku kalsoonayn naftaada iyo awoodahaaga. Si aad u guuleystato, u hesho jaantus fiican oo ku saabsan waxkasta oo maankaaga ku soo dhaca, una noolaastoo si togan, waa in aad muujiso kalsooni aad ka qabto naftaada. Kalsoonidaas in aad muujisaa waxay ku xidhan tahay caynka afkaarta kaa guuxeysa . Haddii aad ka fikirto marwalba guuldarro, waxa hubaal ah in aad la kulmi doonto guuldarro. Haddii aad guul ka fikirtona , guuli waa lama huraan. Isku day in aad joogteyso afkaar togan oo kalsooni ku dheehan tahay, kana dhig dhaqan joogto ah. Ka buuxi maankaaga afkaar ka turjumeysa rumeysnaan, kalsooni iyo xasillooni. Ka daadi maskaxda afkaarta ku suntan shaki iyo kalsooni la’aan. Ogsoonow in noloshaada aanay sargoyn afkaarta dhex galgalanaysa maankaaga una saameyn si taban. Naftaada adiga ayaa ka dhigi kara sida aad rabto, haddii aad si hufan u maareyso waxa aad ku fikireyso.

Culimada ku xeesha dheer Koboca Nafta waxa ay isku raacsan yihiin in qofku adeegsado heer aad u yar oo ah awooddiisa maskaxeed, intay doonto haba noqoto tiraduye. Waa nasiib darro in xaddigaas aadka u yar ee qofku adeegsado maankiisa ay noqoto mid ay dhex jibaaxayaan afkaar taban, ama aan si kale u dhigno’e, in xaddiga yar ee qofku ka adeegsado maankiisa ka dhigo mid u darban tabnaan.

FIKIRKA TABAN

Fikirka tabani waa cadawga u weyn ee la nool qofka. Waxa uu ka dhigaa qofka mid had iyo jeer ay la soo darsaan guuldarrooyin iyo dareenno murugsan, oo hadii ay is biirsadaan qofka ku dhalin kara bukaan xaga nafta ah.
Qofka fikirkiisu taban yahay marwalba waxa uu u fikiraa si aan fiicneyn. Waxa kasta oo uu la kulmo waxa uu ka dhex raadiyaa xumaan, xitaa hadii ba uu yahay waxaasi mid fiican.

Maxaa Keena Fikirka Taban?

Ku xidhnaansho la’aanta Alle:

Kala xadhig-furashada qofka iyo Alle waxa ay keentaa in qofku waxkasta ku eego indho shaki leh, cabsi badan, iyo waxkasta oo uu midhaheeda si taban u fisho. Werwer iyo dhakafaar ayaa ku gaarran nolosha qofkaas, waxa ugu yar ee nafaha fayoobi yarayrstaanna waxa suurtogal ah in uu ka dido.

Waayaha uu qofku soo maray:

Tusaale ahaan, qof ayaa baabuurkiisii fuulay si uu u dhaqaajiyo laakiin waxkasta oo uu ku dayey waa uu dhaqaajin kari waayey. Waa uu dhaqaaqi waayey waayo ‘geer’ baa ku jiray. Taas waxa la mid ah inta dad u dabran wax xun oo hore u soo maray. Waxa uu ka fikiraa wax xun oo soo maray oo ku noqday ‘geer’ maanka kaga jira oo u diiday in uu ka fikiro waxa dhacaya hadda, kana hor-jooga in uu saadaal togan ka bixin karo waxa dhici doonaa timaaddada dhow. Tusaale ahaan, qof baa socdaal ugu baxay magaalo. Magaaladii haddii uu gaadhay waxa dhacday in alaabtii uu sitay oo dhan lagaga xaday. Intaa kuma ekaane, laf ahaantiisa niman budhcad ah ayaa meel ka helay ka dibna garaacay wuxuu hanti iyo agab sitayna ka qaaday. Ninkaas waxaa laga yaabaa in markasta oo uu magaaladaas iyo dadkeedaba maqlo uu aad u xanaaqo una dareemo murugo marwalbana u soo xasuusto dhibtii halkaa ka gaadhay, in uu ka aar-gutona filo. Qofkaas oo kale waxa uu fikir taban ka qaatay magaaladaas dhibtii ka soo martay awgeed.

Qofka oo la nool wixii tagay:

Shalay waa maalin ina dhaaftay, mana soo noqon doonto. Shalay wixii qofka soo maray waa hanti qiime leh oo ma-guurto ah, waayo-aragnimo iyo cashar ay tahay in uu wax ku qaato, si shalay iyo wixii qalloocmay iyo wixii uu kala kulmay dhib uu uga gaashaanto oo aanay markale dib ugu soo noqon. Shalay waxa ay kuu noqon kartaa hal-beeg aad ku qiyaasi karto naftaada, hab-dhaqankaaga iyo go’aan kasta oo aad qaadaneyso; ma yahay mid ka duwan go’aankii shalay kan maantu? Shalay halkaad joogtey hore ma uga dhaqaaqday?
Shalay waa hantidaas intaas oo dhur iyo dheef ah laga heli karo ee marna ha ka eegin dhanka qalloocan. Dad badani waxay la dhibtoodaan oo ay naftooda ku mashquuliyaan wixii tagay ee ka xumaaday. Haddaad ka mid tahay dadkaas, waa hadda xilligii aad samayn lahayd is-bedel una dhaqan gelin lahayd dheefta ‘shalay’ ku duugan.

Si taas la mid ah ayaa dad kale oo badani nafahooda ugu mashquuliyaan waxa soo socda. Kuma qanacsana mana rumaysna waxa qoran iyo maqanaha, waxaana werwer weyni ka hayaa waxa dhici doona, filashaduna waa mid taban markasta.

Diirad-saar taban:

Waxa aad arkaysaa qof waayey shaqadiisii, tusaale ahaan, ama qof noloshiisa qaali ku ah, taas oo uga dhigan in uu waayey waxkasta oo nolosha uu ka rabay. Marwalba waxa horjoogta dhiillo aan dhammaad lahayn ilbidhiqsina kama baxdo maankiisa. Laga yaabe in uu is weydiinayo dhibtaa wixii ku keenay, ama ay dadka kaleba ugu dhici weyday. Waqtiga waxaa ka lumiyey isku mashquulinta wixii dhacay iyo saameynta ay noloshiisa ku yeelatay, waase yaabe, marna ma malaysan xal kala dabbaasha dhibtan. Haddii uu shaqo waayey, isma uu odhan waqti ha ku lumin sidaad u weyday ee ka fikir sidii aad u heli lahayd tu ka sii fiican tii aad haysay. Sidoo kale, isma uu odhan mana dhaadin suurtogalnimada xikmadda ka dambaysa shaqadan aad weyday waa si aad u hesho tu ka sii fiican oo ilaahay kuu asteeyey. Haddii aad weyday qof ku weyn naftaada, ma weydiisatay ilaahey in uu kuugu bedelo ku ka khayr badan? Mase isku dayday adiga oo ilaahey talo saaranaya in aad raadiso oo samaysato qof kale oo kuu badala kii hore, intii aad waqtiga iyo awoodda ku lumin lahayd in aad marwalba ka fikirto qofkii hore.

Qofku hadii uu marwalba diiradda saaro wixii ka xumaaday iyo waayaha uu ku jiro, waxa maskaxdiisu meesha ka saaraysaa waxkasta oo fiican oo qofkaasi haysto ama la nool yahay. Waxa suurto gal ah in xilliga la joogo iyo ka soo socdoba uu ku lumin doono wixii hadba la soo darsa ee aanuu jeclayn.

Asxaabta Taban:

Saaxiibku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha qofka. Waa baal xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh nolosha qofka. Waa mid ka mid ah degellada laga jillaabto barbaarta, laf-dhabarna u ah samaysanka hab-dhaqan ee qofka( Socialization). Diinteenna suuban iyo sida ay uga hadashay saaxiibku waa mid aan ka wada dheregsannahay. Doorashada saaxiibku waa mid u baahan ka fiirsasho badan. Saaxiibka taban ma odhan karno waa mid xun, laakiin saaxiibka xuni waa mid taban. Saaxiibka tabani waxa uu qayb laxaad leh ka qaataa samaynta iyo faafinta fikirka taban. Waxa uu laf ahaantiisu u nugul yahay fikirka taban. Haddii uu maqlo war laga yaabo in uu ka kooban yahay qodobbo farxad leh iyo kuwo murugo leh oo isku dhafan, waxa uu markiiba qaadanayaa oo sii gudbinayaa warka murugada leh. Waxkasta oo uu maqlo waa uu kala haadinayaa wuxuuna ka raadinayaa war taban. Haddiii xitaa uu maqlo ama helo war fiican, waxa uu u rogayaa mid xun oo taban.

Warbaahinta:

Warbaahinta iyo kaalinta ay kaga jirto nolosha maantu waa mid si fiican loo wada ogyahay la iskuna raacay in ay tahay seef laba af leh. Saameynteedu waa mid si cad looga dheehan karo dhan kasta oo nolosha ah: korniinka ubadka, dadyowga iyo dookha wax iibsiga, suuq geynta, weerarka aan tooska ahayn ee ummadaha ka dhexeeye( weerarka maanka). Nolosha ayaa noqotay mid si weyn ugu tiirsan warbaahintaas, la socoshadeeduna ay noqotay mid ka mid ah baahiyaha salka u ah jiritaanka nolosha. Si siman baa bulshadu uga dhugan kartaa warbaahintaas ugana heli kartaa waxkasta oo ay rabto- si togan iyo si taban labadaba. Waxaase xusid mudan sida dadku u qabatimaan waxyaalo badan oo qofka ama bulshada dhaxalsiinaya tabnaan, sida dhaliisha aan loo meel dayin, hurinta colaadaha, kicinta bulshooyinka, xumaynta hab-dhaqanka dadka, qaawanaanta iyo fidinta ‘foolxumada’ iwm.

Qaybtan fikirka ee aan ka soo sheekeynay iyo dadka ku suntanba waxa lagu garan karaa astaamo muuqan kara waxaana ka mid ah:

. Filasho taban
Qofku marwalba waxa uu filanayaa guuldarro.

. Is-bedel diid
Qofku ma rabo in uu is-bedel ku sameeyo naftiiisa ama waxkasta oo u baahan is-bedel waayo waxa uu ka shakisan yahay, kana baqayaa waxa dhici doona. Kaba darane, waxa uu is moodsiinayaa xaalka oo intii hore ka sii xumaaday.

. Awood uma laha xallinta dhibkasta oo ku timaadda, awooddiisa, dareenkiisa iyo waqtigiisa na waxa uu isugu geynayaa dhibta haysata waxa uuna siinayaa in ka weyn qaraha dhabta ah ee ay leedahay.

. Cabasho iyo canaan joogto ah
Dhib kasta oo haya waa uu ka cabanayaa, xitaa hadii uu yahay dhibkaasi wax aan cabasho qaban. Waxkasta oo uu la kulmo ma jecla in uu qaato xilkeeda waxaanuu ku eedeeyaa cid kale.


FIKIRKA TABAN U ROG MID TOGAN

Si qofku u sameeyo is-bedel una joojiyo fikirka taban, marka hore waa in uu garawsado xaaladda uu ku sugan yahay iyo in ay tahay mid u qalanta in is-bedel lagu sameeyo. Si taas la mid ah waa in qofku ogsoonaado halka uu hiigsanayo ee uu rabo in uu u digo-rogto. Garashadu waxa ay marwalba sal u tahay is-bedel dhaca. Intaas ka dib, waa in qofku muujiyo rabitaan ah in uu rogo afkaartiisa kuna badalo qaar kale oo togan waayo rabitaan la’aan waxba ma qabsoomayaan.
Go’aan qaadasho adag ayaa iyaduna ah curiye muhiim u ah is-bedel dhaca. In badan waxa aad arkaysaa qof go’aan qaadanaya laakiin taas aan u rogeyn fal, ama go’aan ayuu qaadanayaa qofku fal na u rogayaa, hase ahaatee muddo gaaban ka dib halkii uu ka noqonayaa.

Nolol-maalmeedka qofka iyo waqtigiisa oo uu ku qaato waxyaalaha nafta waxtarka u leh waxa ay qayb weyn ka qaataan is-bedel togan oo qofka ku yimaadda. Akhriska, daawashada qumanayaasha faa’ido da leh, dhegeysiga habboon, ka qayb galka kulannada la isku arko, waxa ay dhiirrigelin iyo ifafaale fiican u yihiin is-bedel togan oo ku dhaca qofka.

Qodobbadan hoos ku xusan waa dar qofka fikirkiisu taban yahay ka caawin kara in uu u rogo mid togan:

1. 24 ka saacadood ee soo socda isku day in aad waxkasta oo aad odhanayso uga hadasho si togan: shaqada, waxbarashada, arrimaha guriga, saaxiibadaa, timaaddada, iwm.

2. Haddii aad ku guulaysato in aad si hufan u badasho hab-dhaqankaaga maskaxeed ee taban una rogto mid togan, go’aanso in aad sidaas ku negaato muddo toddobaad ah. Marwalba u fiirso waxa aad odhan rabto, una meel-day hadalkaaga inta aanad odhan, kana baadh in wax tabnaan ahi ku jirto

3. Sida aad jidhkaaga ugu quudiso cunto fiican maankana ugu quudi afkaar san oo suuban. Maankaaga geli marwalba afkaar dihin si aad u yeelato aragti san oo caafimaad qabta.

4. Tax inta aad saaxiibo leedahay, kala huf oo kala haadi una kala saari qaar togan iyo kuwo taban. Ka ag dhawaw marwalba kuwa togan ee ku suntan niyadsamida iyo rajo-gelinta. Kuwa taban ha ka fogaan, balse isku day ama ogsoonow in aad u bedeli karto laftooda qaar togan.

5. Dib u eeg xidhiidhka adiga iyo Alle. Ka jaf boodhka baalka diineed ee noloshaada. Ku dadaal Alle-ka-cabsiga, ka fogoow gefka, sameena fal kasta oo kuu dhaweynaya Alle.
Markasta ogoow in rumeysnaanta xooggan iyo Alle-ka-cabsigu fure u yihiin nolol ka madhan werwer, cabsi, fudeyd iyo xasillooni darro.

Tixraac

1. Peale, Norman V, The Power of Positive Thinking for Young People
2. Alfiqq, Ibrahim, The Power of Thinking

Abdilatif Osman Abby
Murtimaal- Bahda Hiddaha, Dhaqanka iyo Suugaanta
latifabbey@yahoo.com
Sana’a, Yemen