Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Ardeydii Ugu Tirada Badneyd ee Reer Somaliland Oo Ka qalin-jabisey Jaamacada International Islamic University Malaysia October 12, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 9:45 pm

Dufcadii ugu tirada badneyd ardayda reer Somaliland ee wax kabarata Wadanka Malaysia ayaa maanta kaqalin jabiyey jaamacada Islaamka ee wadanka Malaysia (UIA). Sidoo kale qaar kamid ah Ardeyda Somaliland ee wax kabarta Jaamacada Multimedia University Malaysia (MMU) ayaa doorkan dhamaystey

Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay ardeyda Somaliland ee wax kabarta Malaysia dhamaystaan noocyada kala duwan ee aqoonta Engineerinka, IT, iyo dhaqaalaha, hadana waa markii ugu horeysay ee kooxo intan leegi isku mar dhamaystaan jaamacadaha dalka Malaysia, gaar ahaana Jaamacada Islaamka oo ku taala Caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur. Halka Jaamacada Multimedia University ay markii ugu horeysay ka soo baxaan ardey reer Somaliland ah oo dhamaystey culuunta Dhaqaalaha iyo Technologyga