Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Baro Weriyaha Bulshada October 11, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 9:42 pm

Axmed Xassan Cawke

Axmed Xassan Cawke


Mareegta Farshaxan
Fu,aad Sh.Abuubaker
Oktoober,2009
Hordhac:
“Runtii horta abuuri way iska jirtaa ,waxaadse jeceshahay aadna aaminsan tahay
waad samaynaysaa….”.
Axmed Xasan Cawke
Xilli ku beegnayd 1989kii, anigoo ku soo dhaw sarta Savoy
Center ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa wiil aanu
saaxiib nahay kor dhawaaq iigu sheegay in gaadhiga hor
yaala sarta uu la socday(watey) Axmed Xasan Cawke uuna
dhinaca gudaha u dhaqaaqay,iswaydiintii halkuu galay iyo
waxaa isku xigay annagoo ag taagan Axmed Xasan.Hase
yeeshee muuqaalka ay indhaheygu arkayaan iyo mala-
awaalkii maankayga dhex jibaaxayey ayaa isku kay qaban
waayey oon nafta u sheegay malaha saaxiibkay Cawke kale ayuu sheegayaa.Afkiisa caano
lagu qabay waxay dhaguhu maqleen codkiisii si degdeg ah baanay dheguhu ugu
markhaati fureen indhihii ku maqnaa si ay sawir meelmara uga kaydsadaan dhacdadan
hore looma arkaanka ah.
Maqalka codka Cawke ee dhagaha soo gaadhaya iyo muuqaalkiisa markay indhuhu
qabtaan waxaa in badan oo bulshada Soomaliyeed ka mid ah muran ka dhex dhaliya
humaaga uu maanku kuu sawirayo markaad codkiisa maqlayso oo aad uga duwan
markaad indhaha qac ku siiso.Sidani waxay ku dhacday dad badan,waanan garowsadey
waxay dadku sheegayeen.Hase yeeshee taasi hawada ayey ka baxdey kol haddii
farsamada casriga ahi iminka suurto galinayso in maqal iyo muuqaalba si fudud la iskugu
heli karo.
Axmed Xasan Sh.Suufi “Cawke” waa weriye caan ah, madasha uu joogana si qiimo iyo
qurux leh uga muuqda.Wuxuu dabayaaqadii horaantii bishii Juun ee 2009 diyaariyey dood
ugub ah oon hore loogu arag bulshada ku hadasha af-soomaaligu meeshay doonaanba ha
degaanee.Marka laga hadlayo Cawke ahaan inuu hindise iyo hormayn cusub la yimaadaa
kuma cusba, bulshaduna waa uga baratey,ee u tartamayaal jagada ugu sareysa dal oo
su’aalo isku mid ah dhexda loo dhigay ayaa tilmaanteeda soocan leh. Waxaa runtii
amaan leh saddexda tartame oo si hufan,horumar siyaasadeed iyo si caqli suubaniba ka
muuqato uga qayb qaatey doodaa.Taasoo tilmaan fiican ka ah horumarka dhinaca
siyaasada eey Somailand ku talaabsatey mudadii gaabneyd eey dhidibada u taageen
dibudhiska dalka Somaliland.Waxaanna doodan lagala socday dhamaan mareegaha
internet-ka,wargeysyada, cod-baahiyayaasha, iyo Universal TV oo uu shaqaale ka yahay
iminka.
Waxaa mareegaha,cod-baahiyayaasha, iyo TV-yada(fogaal aragyada) ku baxa afka
Soomaaligu ay dhamaan jecel yihiin inuu Axmed Xasan Cawke xubin ka mid ah
shaqaalahooga noqdo Cawke, waxaanay dareemaan gudcur iyo in gabal u dumay
markuu u digo rogto mid kale, iyadoo ta uu ka hawlgalayaana muujiso farxad iyo
raynrayn ay jiilaalka kaga baxaan kol hadduu Cawke iyaga garab taagan yahay lana
daadihinayo barnaamijyadii ay wadeen oo bulsha weynta Soomaaliyeed dhegaha u sii
sifaysnayaan.Imisaa dad joojiyey dhegaysiga ama daawashada warbaahin Cawke ka dhex
baxey,imisaase ku laday bulshada uu codka Cawke soo jiitay kuna darey bahweyntooda?.
Warbixintaasi waxay inagu khasbaysaa inaynu u kuurgalno barashada shakhsigan
Ilaahay hibada codkarnimo ugu deeqay.Nasiib wanaag bahda Mareegta Farshaxan ayaa u
tafoxaydatey una banbaxdey inay raadraac ku samayso taariikh nololeedkii Axmed
Xasan “Cawke”,lana wadaagto bulshada ku hadasha af-soomaliga ee had iyo jeer u heelan
inay waqti siiyaan ka gudashada xiisaha leh ee maqal iyo muuqaalba wariyahooga
soocan. Bahda Mareegta Farshaxan waxay arintan fulinaysaa si ay Cawkena ugu sheegto
isagoo nool in ummada uu had iyo jeer ku dadaalo raaligelintooda iyaguna og yihiin
dadaalkiisa una mahadnaqayaan, bulshada uu raaligeliyana bal si qoto dheer u bartaan
sooyaalkii Axmed Xasan “Cawke”.
Geeridu waa lama huraanee,aadamaha aan ka soo jeedno ayaa dhaqan ka dhigtey inay
qofku markay tii Illaahay soo qaabisho ku dadaalaan ka waramida wanaaga qofku galay
waana sifo wanaagsan.Hase yeeshee waxaa ayaan daro ah in intuu qofku noolyahay aan
la dareensiin halkuu bulshada kaga jiro.Sidaa darteed ayaa Mareegta Farshaxan oo had
iyo jeer lagu baadisooco u heelanaanta raadraaca taariikhda, dhaqanka, iyo hidaha bulsha
weynta Soomaliyeed gaar ahaan ta Somaliland ayaa u hub qaadatey inay Axmed Xasan
“Cawke” la wadaagto dareenka bulshada u heelan maqalka codkiisa kuna soo hirta
goobta warbaahinta uu kolba ka hawlgalo,isagana ku dhiirigalinaysa inuu sii kordhiyo
dadaalka iyo hawlkarnimada uu u leeyahay warbaahinta .
“Ha laguu ilmeeyee,
Horto dhimo af maahee,
Eeggoo la noolyiyo,
Ifkaan kaaga baahanahay,
Wax yar oo aqoonsiya,
Oon aad u buurnayn,
Oo weliba eegeey,
Igu sii amaahoo,
Ictiraafka buuxee,
Aakhiro markaan tago,
Iilka igu sugaayiyo,
Ayaantaan xabaal galo,
Oohintaan mutaystiyo,
Akowntkayga laga jaro,”
Maxamed Xaashi “Gaarriye”
Sooyaalkii Axmed Xasan “Cawke”
Marxuum Sh.Suufi Cilmi oo aad ugu caan ah degaanka Soomaalidu degto gaar ahaan
agagaarka Gabiley,ayaa deganaa magaalada Saylac oo aheyd xarunta hormoodka
ganacsi ee geeska muddo dheer.
Magaalada Saylac oo qoraalada qaar ku magacaabaan
“Aualites” waxay leedahay taariikh aad u fog.
529 C.D. ayuu ka dhoofay boqorkii Xabashidu, markii uu
u sii socday magaalada Cadan ee dalka Yaman.
Magaalada Saylac waxaa soo booqday qoraagii caanka
ahaa ee Ibn_batuutah 1330-kii, halkaasoo uu ku tilmaamay
inay ahayd magaalo weyn xilligaa.
Mareegta Saaxil
Qarnigii 16aad waxay magaalada Saylac ahayd caasimaddii maamulkii caanka ahaa ee
Awdal. Qoraalada laga hayo Saylac way farabadan yihiin,balse aan ku soo koobo,laba
socdaal oo ay kusoo kala mareen nin la odhan jiray Johnston iyo ninkale oo la odhan jiray
Richard Burton.
Richard iyo Johnston labaduba,waxay soo mareen sebenkii uu ka talinayay magaalada
Saylac Sheekh Sharmaarke Ali Saalax oo magaalada ka ahaa guddoomiye muddo dheer.
Labadaa ninba waxay ku tilmaameen magaalada Saylac inay ahayd magaalo weyn oo uu
ka socday ganacsi aad u xoog badani.Ganacsigaasi kumuu ekayn xoolaha iyo badeecadaha
kale ee la kala iibsado ee xataa, waxa magaalada laga dhoofin jiray dad la soo khasbay,oo
loo iibgayn jiray Sayladaha carabta,dadkaasoo laga soo qab-qaban jiray badhtamaha
Afrika. Xilligaa ay labadaa nin soo kala mareen waxay ahayd 1844-kii oo uu Johnston soo
maray iyo 1854-kii oo uu Richard soo maray, isagoo xilligaa ku sii socday magaalada
Herer.
Sh.Suufi (IHUN) wuxuu ugu
wanqalay inankiisii Xasan , halka
danaakiladii la deganayd magaalada
Saylacna ay ugu ladheen Cawke oo ah
eray af canfariga ka soo jeeda
sheegayana midabka .
Bar kulanka Somaliland iyo Itoobiya waxaa ku taala degmo u qaybsan labase wadaagta
magaca guud oo la yidhaa Wajaale(Tog-Wajaale),inkastoo dadka qaarkii ay ku sii
tilmaansadaan qar Soomaali dhinaca Somaliland, halka ay qar xabashina ku tilmaamaan
dhinaca Xabashida.
Xasan Sh.Suufi (IHUN) oo ah Axmed “Cawke” aabihii ayaa wuxuu isagu deganaa
degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley,waxaanu ka mid ahaa tobaneeyaha ugu hanti badan
degaankaa,inkastoo dadka qaarkii ku tilmaamaan Wajaale ahaan inuu hormood isagu ka
ahaa.Wuxuu Xasan (IHUN) lahaa guryo badan,dhoofina jiray xoolaha iyo hargaha.
Waxaa magaalada Berbera uga wakiil ahaa nin la odhan jiray Sayid . Xasan waxaa u
dhexday marwo Caasha Nuur .Waxaana aabo Xasan Sh. Suufi iyo hooyo Caasha Nuur
Ilaahay ugu deeqay wiil iyo gabadh,halka ay wiilka ugu wanqaleen Axmed,gabadhana
Canab.
Waxaa noqotay odhaah lama ilaawaana oo jiritaankeedu la jiil qaado fac kasto oo
bulshada reer Somaliland ah halkudhaga laga hayo Xasan Sh.Suufi (IHUN) oo ahaa :
“Waa reer jigjiga iyo wuu wanaagsan yahay kala daa ”.
Waxaa tilmaan weyn aheyd magaalada Wajaale harta uu lahaa Xasan Sh.Suufi (IHUN)
oo laba odhan jiray Harta Xasan Cawke.Kaynta ka sokayso Kalabaydh ayaa iyaduna
aheyd meel lagu booqdo Sh.Suufi (IHUN).
Wuxuu Xasan inankiisii Axmed kaga darey barashada Quraanka isla degmada Wajaale,
sidoo kale dugsigii hoosena isla halkaa.Hase yeeshee dugsigii dhexe waxaa Axmed
loogu diray inuu ka galo degmada Cadaadley uuna ku dhameystay. Xili ku beegnayd
1971kii ayuu ka qalin jabiyey dugsigii sare ee Camuud –iminkana ah Jaamicada Camuud-
ee gobolka Awdal.
Sidii caadada aheyd xiligaa waxaa safar dheer loogu bixi jiray ilaa magaalada
Muqdisho si loo galo dugsigii xalane oo markaa la odhan jiray “Bootiko”. Axmed markii
uu safarkaa ku jiray ayaa saaxiibadii oo la socday ay dhex mareysay waydiimo ay kamid
aheyd inuu qof waliba ka waramo waxaa uu jecel yahay inuu noqdo timaadada.Isagoon
Axmed Xasan “Cawke” muujin hakad ayuu si ay ka muuqato inay tahay go’aan hore
meel ugu guntanaa si kalsooni ku jirto u yidhi “waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo weriye”.
Si fudud ayey u qaateen iyagoo saaxiibadiisii socdaalkaa la wadaagayey ay inta safarkaa
lagu jiray dareemayeen inta jeer ee uu isku bilkeediyey inuu siday u waramayaan Wali
Xaaji Cali iyo Yaasiin X. Ismaaciil oo kale u waramo keenana hab farshaxaneedkoogii
xabeebtu ka aradnayd.
Markii ay dhameysteen dugsigii Xalane ayaa Axmed Xasan uu ka bilaabay shaqadiisa
qaranka inuu macalin ka noqdo magaalada Berbera 1972-1973kii.
Ka dib dhamaadkii xilkiisa shaqada qaranka ahaa ayuu u ambaabxey inuu
shaqo tago oo aheyd sida xilliyadaa dhici jirtay inta badan.Gu’gii1973kii
wuxuu shaqadiisii u horeysay ka bilaabay idaacada raadyow Muqdisho,
waa siduu rabay Ilaahay ma u fududeeyey.Wuxuu muujyey firfircooni
dheeraada,hawlkarnimo iyo si qumana u adeegsadey codka Ilaahay ugu
deeqay ee xabeeb ka madhan.
Gu’ba gu riixee 1975kii ayuu Axmed ku tiriyaa inuu sheegay warkii ugu
naxdinta badnaa, kuna tiriyo maalmihii ugu modoobaa ee hawlgalkiisa warbaahineed.
Xilligan waxaa la dilay wadaadaadii diiday in hadalka Ilaahay (Quraanka) la badalo ee
habaarqagihii Afweyne dil toogasho ah la beegsadey iyadoo uu xukunkana riday
dhiigyacabkii Geele. Maalintaas ayuu Axmed Xasan “Cawke” ku qornaa sheegista
warka oo uu in badan ka meeraystay,hase yeeshee qofkastaa sidaa si la mid ah ayuu uga
meeraysanayey ooy u suurtogali wayday inuu ka baxsado sheegistaa warka maalintaa.
Xusuus:
23dii Janaayo 1975:
Tiro ah 10 Wadaad ayaa lagu xukumay dil toogasho ah iyadoo
lagu toogtay Dugsiga Booliska 10:00kii subaxnimo, ayna daawasho ugu
yimaadeen xubno ka socday Goloyaasha Dawladii habaarqabto & Ciidanka
qaybihiisa kala duwan iyo Dhamaan G/Banadir .Waxaa dul heehaabayey oo la
soo kiciyey labo Diyaaradood oo ah nooca dagaalka si Dadweynaha loo cabsi
galiyo markii ay dulmaraayeen Xaafada Waaberi labadii Diyaaradood wey isku
dhaceen Waxaana ku naf waayey 52 qof oo rayida.
1.Sheekh Axmed Sheekh Maxamed 6.Sheekh Cali Jaamac Xersi
2.Sheekh Cali Xasan Warsame 7.Sheekh Aadan Cali Xersi
3.Sheekh Cabsiiye Diiriye 8.Sheekh Yasiin Cilmi Cawil
4.Sheekh Cusman Jaamac 9.Sheekh Axmed Liiban
5.Sheekh Maxamud Saciid Xersi 10.Sheekh Muuse Yuusuf
(U duceeya wadaadada u istaagay u gargaarka Quraanka Eebe,
waxaanay mudan yihiin ku dayasho ….)
1977kii waxaa dhacey dagaalkii Soomaalida iyo xabashida, tani waxay noqotey inuu
Axmed Xasan noqdo codka kaliya ee ummada Soomaliyeed ku doogsato,iyagoo sugi
jiray kuna dadaali jiray inaanay dhaafin faalada ka danbaysa warka ee uu daadihinayo
Axmed Xasan “Cawke” . Xiligani waa xiligii magaca Cawke ku dhex faafay bulsho
weynta Soomaliyeed meel kastooy degto ,dhegahooduna ay la qabsadeen codkani saafiga
ah si deganna ugu nasanaya dhegaha .Mar la waydiiyey inuu ka waramo xiliyadii ugu
wanaagsaneyd ee uu xasuustana wuxuu ku jawaabey: “ wax aad lo xiisayn jiray beri
waxaa jiray 1977 kii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan faalooyinka akhriyi jiray
oo aheyd qof aan is leeyahay hadduu dhaafo maalintaa wax weyn baa dhaafay ,runtiina
aan aad ugu soo baxey ayaa runtii la jeclaa …..wararka markaan idaacad ka sheego ugu
xiisaha badnayd ayey aheyd ummaduna ka sinayd …..”.
1980dii wuxuu noqday weriyaha gaarka ah ee madaweynihii dawladii uu hogaanka u hayey
habaarqabe Ina Siyaad, inkastoo uu fogaal aragii iyo warbaahintii kalena ka wadey
barnaamijyada uu wadi jiray ilaa iyo burburkii dawladii habaarqabto .
Dagaaladii dibu xoreynta dalka ka dib, wuxuu u baqoolay oo uu qaxooti ku noqday
magaalada Kampala ee wadanka Ugandha.
1995kii waxaa jago shaqo ka banaanaatey idaacada iminka ku
hawlgasha baahinta beenta iyo colaada ee markaa ku xardhaneyd
BBC uuna hogaanka u hayey weriye sare Maxamed
Cabdilaahi.Xiligaa waxaa adkaa in qofku si fudud ugu soo biiro
iyadoo la dhawri jiray sumcada idaacada, lana eegayo aqoonta,
kartida, iyo dadaalka qofka la shaqaaleynayo.Waxaana joogay
shaqaale aqoontooda iyo tayadooduba sareysa kana madhan
sifooyinka maanta lagu yaqaan shaqaalaha ka hawlgala cod-
baahiyaha beenta iyo baafinta colaada(BBC).Waxaa jagadaa codsadey tiro shaqaale
gaadhaya 300 oo qof, is reebreeb la sameeyey ka dib waxaa wareegii koowaad isu soo
taagey ilaa dhawr iyo sodon qof. Waxaa xiligaa joogay idaacada weriyayaasha loo tiriyo
tayo,xilqaadnimo,iyo aqoon warbaahineedba oo ay ka mid ahaayeen :
Maxamed Cabdilaahi Xasan (ahaa Gudoomiyaha qaybta Af-Soomaliga)
Maxamuud Cabdi Cali “Ducaale”
Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar
Aadan Nuux Dhuule (oo iminka ku kooban uun inuu wararka sheego marmar)
Yoonis Cali Nuur ( oo iminka aad moodo inuu dibada ka yahay kuna kooban tababarida)
Cabdilaahi Xaaji (oo iminka ka muquurtay wareysiyadii looga bartay )
Siciid Faarax Maxamuud
Siciid Cali Muuse
Shamsa Baybook
Iwm.
Waxaa u xil saarnaa xiligaa xulashada weriyaha loo baahan yahay Maxamed
Cabdilaahi, Jeff Philips (oo sheegi jiray arimaha caalamka ) iyo Ann Dent (oo ka socotay
xafiiska shaqo gaynta-Human Resource-). Si aan u fahano qaabka xulashada oon
sahlaneyn bal aynu wax iskaga tilmaano sidii uu u dhacey xiligaa .
Waxaa dhamaan laga qaadey imtixaan qoraal ah oo ka kooban :
-War af Soomaali ah oo loo af celinayo af Ingiriisi.
-War af ingiriisi ah oo loo af celinayo af Soomaali.
Amiin Caamir wuxuu Cartoon-
kiisa ku muujiyay Siciid Cali
Muusse oo noqonaya Weriyaha
ugu dambeeya ee la tilmaami
karo, kuna haray BBC Somali oo
la hadlaya Cawke oo sii socdo,
kuna leh”Cawkoow garbaad
joogtaa. Raadkii Saaxiibkeynii ku
soco marka aad tagto,iga warsug
anigana goordhaw”.
Mareegaha
Hadhwanaagnews/Somalilandhor
ta /Gabiley Net
September 23, 2007
-Waydiimo ku saabsan aqoonta shakhsiga ee arimaha caalamka iyo iyagoo la tusay
sawiro dad caan ka ah ayna qorayeen magaca qofka sida : Sawiradii Negasso
Gidada,Sadata Ogata,Hibo Maxamed iwm .
Axmed xasan “Cawke”wuxuu ka mid ahaa
dhawr qof oo ka ka gudbay wareegan una
gudbay wareegii labaad,waxaanu ku maray
imtixaankii magaalada Kampala ee cariga
Ugandha.Muddo ka dibna loo sheegay inuu
noqday qofkii loo doortay shaqadaa
weriyenimada
Wuxuu ku sugnaa kana mid ahaa shaqaalaha
warbaahintaa ilaa laga gaadho bishii June 23,
2008.Isagoo la waydiiyey sababta uu uga tageyna wuxuu yidhi : ““ Nin weyn iyo islaan
umuliso ahiba siday wax u ogyihiin uma sheegaan” ayuu ku jawaabay “Kolay nin weyn
baan ahayoo ee wixii jiraba waa la arki ”,waxaanu sii raaciyey “Kolay hibada Ilaahay ku
siiyey kol hadaanad soo bandhigi Karin in la digo rogto ayaa haboon ,oo waliba waa laga
baxey inay xuurto dadka ku haysato idaacada BBc-du”.
Waxay u aheyd maalin murugo leh idaacada beenta iyo baahinta colaada(BBC) oo dib u
halacsatey shaqaalaha u hadhey si mug weyna uga dhex muuqdeen kuwii aqoon iyo
tayadaba ka aradnaa laguna soo qoray oodwadaag iyo naas nuujin darteed .
Qoraal ruuga Cali Cumar Xasan ayya si fiican u
tilmaamay kana hadlay ka tagida Axmed Xasan
“Cawke” iyo raadkay leedahay ayaa wuxuu lahaa :
“Taneey(bbc-radio) Cawke-na kaa caroow !!! Ka tagida
Axmed Xasan Cawke ka wareegay BBC-du waxay i
soo xasuusisay, hadal murtiyeed uu reebay nin gabayaa
wayn ah, oo la yidhaa Aw-Siyaad, una dhashay
degaanka Gabiiley, mar uu sida igu maqal ah maqaaxi
uu ku lahaa magaalada Kala-baydh(deg,gabiley), inta
dadkii uu u furtay maqaaxida jiilaal adigi helay, gugiina
ka tabiyay ay ka hayaameen, oo dabadeed uu aad ugu
busaaradsadsaday, arkayna inaan waxba dhawaanahan
soo naaso cadayn. ayuu inta uu gu-i ka qaaday ee uu ka
dhaqaaqay maqaaxidii oo furan yidhi, hadal murti ah oo
hada dadku inta badan markay meel ka quustaan ee ay ka tagayaan adeegsadaan,
hadalkaasi oo ahaa ” taneey Aw-Aiyaad-na kaa socooy”, sidii baa uu aw-siyaad kaga tagay
Kalabaydh iyo dalkaba oo uu ku galay Afrikada bari iyo carabaha, inaga oo og in ninka
maqaaxida shidaa aanu isagu inta badan hayaamin, hadana waxa Aw-siyaad kaxeeyay
waxa aynu garan karanaa inuu wax culus ahaa !!!!”.
Cali Xasan oo ka warmaya xidhiidhka sheekadaa iyo digorogashada Axmed Xasan
“Cawke” ka dhexeeya wuxuu yidhi: “Waxan hadaba sheekadan Aw-Siyaad uga socdaa,
Axmed Xasan Cawke oo ah sida aynu ka wada war hayno, hibada Ilaahay uu siiyay ee
wax sheega iyo tabintaba ah ka sokow, nin bashaashi ah, ka adag shaqadiisa, gole-nuure
ah, dadka aan ka qaloon iyagana qalayn, cod soo jidasho leh lagu galaday, dulqaad badan,
badan, badan oo weliba aan Anigu wax ka saaro, biyahii afku-rubadlaha ahaa ee Xamar,
inay dulqaadkiisa sii siyaadiyeen. Waxa maanta inuu sidii Aw-Siyaad yidhaa, Taneey
(bbc-daay) Cawke-na kaa caroow! Waa wax wayn oo uu maarayn kari waayay, oo aad ka
dhadhansan karto, hadalkiisii uu ku bilaabay tixdii murtida ahayd ee caanka ahayd, ee uu
yidhi” Nin wayn baan ahoo warami maayee, waxaan arkay waaba la ogaan”.
Xilligaa ka dib oo ku beegnayd dabayaaqadii: 29-September-2007 wuxuu u digo rogtay
warbaahin codeedka laga furay dalka Maraykanak kumna caana maasha Idaacada codka
Amerika .Wuxuu daadihiyey barnaamijyo badan , qaarna isagaaba udub dhexaadka u
taagay sida barnaamijka Caweyska Sabtida oo soo jiitay bulsho tiro badan .
Wuxuu ku sugnaa halkaa ilaa muddo ku beegan dabayaaqadii bishii April 2008.Sida ka
cad mudadan oo aad u yar hase yeeshee isaga iyo wariyaha mudan ka waramid ee
Cabdisalaan Hereri waxay dhageystayaasha ku raaligaliyeen barnaamijyo tayo leh iyo cod
turxaan ka madhan oo soo jiitay dhamaan dadweynaha ku hadla af-soomaaliga .Sida
dhacday markuu ka tagey Idaacadii BBC-da , kamuu waramin sababtuu uga digorogtay
waxaana la odhan karaa inay haeyd mid gaar ah waayo warbaahintani wali dhaguhu way
u hanqal taagaan , halka ta BBC-da ay yaraadeen dadkii dhageysan jiray oo xataa
marmarka qaarkood la is waydiin karo ma warbaahin ku hadasha af soomalibaa tayada
li’ida afka lagag hadlo darted iyo waayo aragnimo li’ida shaqaalaha ka shaqeeya
dhawaanahan darteed.
Bishii April dabayaaqadeedii 2008 wuxuu ku biiray fogaal arag cusub oo la furay kuna
hanaqaadey magaca “Raad TV International” lagana hirgaliyey dalka Ingiriiska, kumuuse
nagaan halkaas. Ruug caddaaga warbaahinta Somaaliyeed caanka ka ee ku biiraya
taleefishinka cusub waxaa kamid ah Maxamud Sh. Dalmar iyo Maxamud Ducaale oo
labaduba hore BBC-da uga shaqayn jiray.
Waxaa aad la iskugu raacsan yahay inuu yahay wariye furfuran , dhaguhu jecel yihiin ,
aad ugu xeeldheer shaqadiisa una fuliya sida ugu haboon isagoon jecel markuu hawsha
qabanayo .Waa tusaale fiican oo u taala wariyayaasha cusub ,si ay uga badbaadaan
wuxuu ku tilmaamay “jaantaa rogan” ama hebelba waa wariyee adna wariye noqo.
Axmed Xasan Cawke wuxuu leeyahay xaas , caruur dhawr ah isagoo waliba Ilaahay ku
manaystay inuu awoowna noqdo isagoo nool .Ilaahay ha u kordhiyo hana ka dhigo kuwo
heyr qaba .
Wuxuu ku sugan yahay iminka weriye Axmed Xasan “Cawke” magaalada Hargeysa ,
noqdayna isku shaqeeyey ah weriye madaxbanaan -freelance journalist-.
Cawke mar la waydiiyey
aragtidiisa ku aaddan
saxafiyiinta Soomaaliyeed
ee wakhtiyadan danbe aadka
u batay ayaa waxa uu
walaac ka muujiyey waxa
uu ugu yeedhey (jaantaa
roganta)…“Hase yeeshee
waan ku faraxsanahay iney
wariyeyaasha Somaliyeed
bataan haddii ay aqoontii
warfaafineed
xanbaarsanyihiin” buu
yidhi.
Run Weheshiga:
Runta oo aad looga didaa waa tilmaan ay ku suntan yihiin dad badani,mararka qaarkood
haba ahaato in loo fuliyo raaligalinta dadka ku xeeran qofka ka gabanaya runta. Wuxuu
Axmed Xasan nasiib u helay inuu aqoon u yeesho
dhamaan xubnaha kala duwan ee bulshada.Hase
yeeshee markuu ka waramayo waxay ku kala fiican
yihiin kama gabado inuu siduu u arko wax u tilmaamo
haba ku ahaado kaliyee.
Axmed Xasan “Cawke” mar la
waydiiyey aragtidiisa ku aadan suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee wakhtiyadan danbe aadka u batay
ayaa waxa uu walaac ka muujiyey waxa uu ugu
yeedhey jaantaa roganta ka taagan warfaafinta
Somalida, waxaanu tilmaamay in qarankii
Soomaaliyeed markii uu burburey askarigii Alifle ahaa
waxa uu haatan yahay Gaaashaanle sare, sidoo kale
Saxaafaddiina sidaas ayay noqotey .Hase yeeshee waan
ku faraxsanahay buu yidhi: “ iney wariyeyaasha
Somaliyeed bataan haddii ay aqoontii warfaafineed
xanbaarsanyihiin”.
Wariye Axmed xasan “Cawke” waxaa aad loogu yaqaanaa inaanu ka baydhbaydhin
tilmaamida sida uu wax u arko iyo sheegista sida uu jecel yahay .Mar la kala dooransiiyey
dhawr dad sidan buu wax u sheegay :
“Wariye warbixin akhriya waxaan ugu jeclaan jirey Idris Xasan Diiriye ” Cawke oo u
warramayey Universal TV.
Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yidhi : “Halka Siciid Cali Muusena looga hadhey
barnaamijyada cayaaraha”.
Cawke waxa kale oo uu diiradda saarey habka ugu wanaagsan ee warbixin loo akhriyi
karo oo uu ku tilmaamey xaaladda u dhexeysa degdeg keena in wariyaha la fahmi waayo
iyo aayar-luud keeni kara in lagu caajiso, waxa kale oo uu xaqiijiyey in uu wariyuhu mid
ka khibrad badan kaga dayan karo hab akhriska iyo usluubta war dejinta haseyeeshee ay
qalad tahay inuu codkiisa koobiyeysto”.
Hogotusaaleynta Bulshada :
Ardeyda /Dhalinta :
Dabayaaqadii bishii April 2009kii Axmed Xasan
“Cawke” isagoo ka hadlayey xaflad loo sameeyay qalin
jabinta 150 Arday, oo muddo laba sanadood ah luuqadaha
Ingiriisida, Carabiga, xisaabaadka iyo Kombuyuutarka ka
baranayay dugsiga gaarka loo leeyahay Al-Khayr ee
magaalada Hargeysa ayaa ardeydaa ku dhiirigaliyey inay
mar walba ogaadaan qiimaha iyo milgada uu waalidku
leeyahay ,mudana in had iyo jeer loo jajabnaado waxaanu
yidhi : “Da’daan ahay waad aragtaan aniga hooyaday ayaa
nool, fasaxayga wadanka iyada ayaan u imaadaa, saaka
ayaa u dambeysayoo waxay lahayd anigoo da’daas ah
“Hooyo maalmahan rag waaweyn ayaad raacdaaye, oo
habeenadan anigoo soo jeedana ma timaadide Hooyo hore
u soo hoyo”. Waxaanay igu tidhi xaggee baad ku
kalahaysaa waxaan ugu jawaabay meel xagaas Hargeysa ah, waxaanay tidhi Ilaahayoow
ku soo nabad celi, Aniguna iyadii ayaan ilaalinayaa oo aan is leeyahay kolba rog, iyaduna
aniga ayay i leedahay habeenkii toloow kii yaraa waa kan fuuf-fuufta hayeen gam’i
waayaye maxaa helay oo uu la seexan waayay waa ninkayga intaas leeg ee awoowga ah,
kuwaan dhalay kuwii ay sii dhaleen ayaa jooga iyadiibaa ayeeyo saddexaad ah.”
Isagoo maalintaa hadalkiisa sii wata wuxuu si tilmaaman oo hufan u sheegay xilka inaga
saran waalidka oo u baahan in aad loogu feejignaado loona heelanaado fulintiisa,
waxaanu yidhi : “Hooyadu ciyaar ma aha waalidkuna ciyaar ma aha, ciddii ku
barbaarisaana ciyaar ma aha. Akhlaaqda ayaana ka kow ah. Annagu barigii aanu yar
yarayn qofka dadka caaya waa la necbaa”.
Wariyayaasha Cusub :
Cawke mar la waydiiyey aragtidiisa ku aaddan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee wakhtiyadan
danbe aadka u batay ayaa waxa uu walaac ka muujiyey waxa uu ugu yeedhey (jaantaa
roganta) kana taagan warfaafinta Afka Somaliga ku hadasha , isagoo xusay in qarankii
Soomaaliyeed markii uu burburey askarigii Alifle ahaa uu haatan yahay Gaaashaanle
sare, sidoo kale Saxaafaddiina ay sidaas noqotey.Haseyeeshee waxuu xusay inuu ku
faraxsan yahay iney wariyeyaasha Afka Soomaliga ku hadlaa bataan haddii ay aqoontii
warfaafineed xanbaarsanyihiin.
.
Siyaasiyiinta Guud ahaan:
Waxaa inta badan dhacda siyaasiyiinta oon is dhageysan in ay
hadaladooda dhacdhac badan laga arko siiba markay xil u ordayaan ama ay siyaasi
kale rabaan inay muujiyaan galadadoodiis .Waxaa dhacdo hadaladaa in laga dhex helo
gefaf haboonayd in laga dhawrsado , Axmed Xasan “Cawke” ayaan ka gaban inuu
dareenkiisa arintaa ku aadan ka waramo waxaanu yidhi :“ “Hadda waxaad arkaysaa cayda
waa la iskugu faanaaba, awalna waa laga durki jiray. Imika waxa lagu odhanayaa hadda
waa nin weyn oo TV-yada isa soo taagaya wuu ku dhilay Anigu dhilniinka awal wax kale
ayaan u haystoo, Arabikhi la dhilo uun baan arki jiraye, hadal buu ku dhilay illayn wuu ku
eryay weeyaan. Waxa lagu odhanayaa ma arkaysay siduu xisbigii ugu qaad qaaday”.
Mar kale isagoo ka waramaya siday siyaasiyiintu u muujiyaan dareenkooga ku aadan ka
la tartamaya ama ay ka soo horjeedaan ayuu isagoo ka biyo diidan qaabkey wax u wadaan
yidhi: “Waa nin weyn oo Tv-yada isa soo taagay oo caytamaya, siduu berri madax iigu
noqon karaa. Qof wax caayay madax maba noqon karo waa akhlaaqiyaad ilaahayna wuu
neceb yahay. Waxaad doonayso si fiican baa loo sheegtaa waxaan Ardayeey idinkula
dardaarmayaa akhlaaqda ilaaliya oo dhawrsanaanta ilaaliya”.
Mar kale isagoo tilmaamaya aflagaadada iyo af xumadu inaanay aheyn tilmaan
wanaagsan ,haboonayna in qofkaa la doorto oo madax laga dhigto kol hadduu sifooyin aan
haboonayn wato ,umaddana aanu meel wanaagsan u wadi doonin ,waxaanu lahaa isagoo
arintan inoo faahfaahinaya : “Hadda waxaad arkaysaa cayda waa la iskugu faanaaba,
awalna waa laga durki jiray. Imika waxa lagu odhanayaa hadda waa nin weyn oo TV-yada
isa soo taagaya wuu ku dhilay Anigu dhilniinka awal wax kale ayaan u haystoo, Arabikhi
la dhilo uun baan arki jiraye, hadal buu ku dhilay illayn wuu ku eryay weeyaan. Waxaa
lagu odhanayaa ma arkaysay siduu xisbigii ugu qaad qaaday. Waa nin weyn oo TV-yada
isa soo taagay oo caytamaya, siduu berri madax iigu noqon karaa. Qof wax caayay madax
maba noqon karo waa akhlaaqiyaad ilaahayna wuu neceb yahay. Waxaad doonayso si
fiican baa loo sheegtaa waxaan Ardayeey idinkula dardaarmayaa akhlaaqda ilaaliya oo
dhawrsanaanta ilaaliya”.
Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Af xumo nabadna way kaa fogaysaa,colaadna
waxba kaagama tarto”.
Maamulada wadanka Soomaaliya :
Waxaa wax laga murugoodo ah dhibta iyo hagardaamada ka taagan wadanka Soomaliya
(Italian Somaliland) .Waa ayaandaro weyn oo ku dhacday in laba kasta oo heshiis ku ah
inay xukuumadaha la soo dhoofiyey ka hor yimaadan, markuu midkood koro kusiga ay
bilaabaan dagaal iyo colaad hor leh , halka dadweynaha ay ku dhacdo dhibaatadu siiba
kuwa dega degaanada xamar iyo agagaarkeeda . Weriye Axed Xasan “Cawke” isagoo
dareenkaa naxariiseed bulshada la qaba ayuu la hadlay kooxaha isagoo u tilmaamay in
dhinacyada Xamar isku hayauu ugu baaqayo in ay hubka iska dhigaan oo ay is afgarad
wax walba ku dhameeyaan una naxariistaan sida uu sheegey shacabka dhibaataysan.
Milicsiga Xilliyo mudan:
1977 Xilligii uu ummada qalbifgeeda degay
1995 ku biiray BBC-da waa xiligay tayo ,sumcad iyo aqoonba laheydeee.
2002 Bishii Maarso waxaa magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa laga furay Mawjad
FM ah oo ah tii ugu horraysay ee ku shaqaysa tamarta cadceeda, lagana dhegaysan doono
barnaamijyada BBC-da, ee Ingiriisiga, Carabiga iyo Soomaaliga ayaa si rasmi ah looga
furay magaalada Hargeysa Jimcihii. waxaana furitaankii mawjadaa oo si tijaabo ah u sii
shaqaynaysay in muddo ah lagu maamuusay xaflad ballaadhan oo ay soo qaban-qaabisay
BBC-du, oo habeenkii Sabtidu soo galaysay ka dhacday Hotel Maansoor.Waxaana ka soo
qayb galay Madaxweyne Cigaal (IHUN), badi xubnaha Xukuumaddiisa, Guddoomiyaha
Guurtida, Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf(IHUN), xubno kale oo Golayaasha Baarlamaanka ka
tirsan, saxaafada Somaliland, siyaasiyiinta mucaaridka , soo saare sare, Yoonis Cali Nuur,
madaxa qaybta BBC-da ee Afrika iyo Bariga Dhexe, Mr. Barry Langring,.Waxaa kaloo
madashaa ka muuqday Axmed Xasan Cawke Iyo Shaadiya Maxamed Rooble oo halkaa si
toos ah uga xidhiidhinayey dhamaan barnaamijyada idaacada ee habeenimadaa warkii
mooyee. Xafladdani waxay ahayd tii ugu ballaadhnayd ee BBC-du ku qabato dhulka
Soomaalidu degto, inta la xasuusan yahay
2007 September ku biiray VOA
2008 April ku biiray RaadTV International
Falcelinta Dhegaystayaashiisa :
Dhamaan dadka daneeya aadna ula socda Axmed Xasan Cawke
Raadyoow Maqaloocshe:
Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.
Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun uga barateen inuu wararka dunida idinka
dibiriyo, laakiin akhyaartiisa indhaha buurbuuranow maanta wuxuu idin huluuqsiinayaa
Gabay geedkaa le’eg. Gabaygaasi waa ereyadii Asli Internet (Abwaan Cali Carab):
Cayn-na maaha BBC-dii
Codadka dheerayd’e,
Ciduun baa is magacowday
Bay weli la ciirraane,
Cabdille xasankii laga gudbay
Dib u cusbeeyeene,
Cilad raagtay bay soo fadheen
Sida carruureede,
Inuu Cawke uu dumar na baray
Caawa yaa u tebiya.
-Weriye Ahmed Hassan Cawke oo ah Weriyaha ugu sheekada,kaftanka iyo hal abuurka
badan BBC Somali ,codkiisa aad loo xiiseeyo oo inta badan ka qosliya dhageeysta yaasha
laguna xasuusto daadihinta barnaamijyada arimaha bulshada
-Cali Cumar Xasan.:
Cawke waxan xasuusin lahaa Isbaaro meel la dhigto bbc-du uguma
horayne, waxa ka horaysay halkii dooxii Tog-wajaale ee aad garanayso, marka roobku da-
o ee Togu soo rogmado, waa kuwii Dibjirka magaaladu intay Tiirarka girgidaha dumay
soo gurtaan Biriij(bridge) ka samyn jiray ee dadka labada Daamood iskaga talaabaya
lacagta ka qaadi jiray, qofka bixin waayaana Biyaha dhex-mari jiray, malaha waxa la
gaadhay marka, xiligii Tiirar la samaysan lahaa, oo aan uga socdo Axmed Xasan Cawke
iyo raga kale ee la midka ah ee ka soo jeeda Somaliland oo aan odhan lahaa waar HOOY
Fadhigaa fadhi kale ha looga noqdo, kolay dooxu wuu soo rogmanayaaye
Tiirarka ka leh ahaada bay ila tahay, Idaacad ha loo sameeyo dadka, inta kolba
cid marti loo ahaanayo!!!!!!.
Raadraac:
-Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh
by Sayid Maxamed Yusuf “Dhegey”
-Mareegaha:
Hadhwannagnews.com, Gabiley.net, Saylac.com , Oodweyneews.com…..
-Qolka kaydka ee mareegta Farshaxan.
-wargeyska Haatuf
-Fogaal araga “TV Universal”
Mareegta Farshaxan
Fu,aad Sh.Abuubaker
Oktoober,2009
Copyright …2003-2008 Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.