Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

October 10, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 12:54 pm

MADAL SIYAASADDA KA CAAGAN OO KULMISAY SIYAASIYIIN, ABWAANO IYO WAX GARAD BADAN.

Waayihii jacaylka ee Siilaanyo iyo Faysal + Codkii la yaabka lahaa ee Dr. Max’ed Rashid iyo Muuse Biixi

Jaamac Ismaaciil Nuur

Madal caways ah oo xalay lagu qabtay Huteel Emperial ee magaalada Hargeysa ayaa waxay kulmisay in badan oo ka mid ah haldoorka siyaasiyiinta iyo wax-garadka soomaaliland. Cawayskan oo ay soo qaban-qaabiyey Hay’ada wadaniga ah ee HAVAYOKO waxa isku soo durba-ridey soona agaasimey abwaan Axmed Aw-geedi.

Cawaykan oo loo bixiyey “CADA-DHOOL” waxa ka soo qayb galay shir-guddoonada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliland (Guurtida iyo Wakiilada), Gudoomiyeyaasha iyo madaxda sare ee Xisibiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliland, aqoon-yahano, Abwaano, iyo weliba dad badan oo ka mid ha wax-garadka iyo indeer-garadka dalka.

Ugu horeyn wax madasha ka hadlay agaasimaha Hay’ada HAVAYOKO, wuxuuna ku soo dhaweeyey marti-sharaftii kasoo qayb-gashay cawayska iyo sababta ay u qabteen cawayskan oo ahayd in lagaga nasto murankii siyaasadeed ee beryahan dalka ragaadiyey ayna soo bandhigaan wax ka duwan oo dhegaha dadka ku cusub. Waxa isaguna hadal ka jeediyey abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi, isaga oo ku hoga-tusaaleeyey siyaasiyiinta in ay jiraan mawduucyo tira badan oo in laga hadlo u baahan. Abwaanku waxa uu si qoto-dheer uga hadlay qisadii caanka ahayd ee “Jacayl dhiig ma lagu qoray”.

Hadaba hadaan yare milicsano ubucda cawayskaa, oo aad uga qoslisay dhamaan kasoo qayb-galayaashii madasah, waxay ahayad markii su’aalo toos ah la waydiiyey siyaasiyiintii madasha fadhiday oo ay ka mid ahaayeen Md. Axmed Siilaanyo, Eng. Faysal Cali waraabe, Muuse Biixi Cabdi, Dr. Maxamed Rashiid sh. Xasan iyo Wasiiro xukuumada ka tirsan. Su’aalahaas oo la xidhiidhay Jacalykii yaraantii, waxbarashadii iyo waayihii xoolo-dhaqidda ee ay soo mareen masuuliyiintaasi.

Gudoomiyaha Xibiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka jawaabaya Jacaylkiisii ugu horeeyey ee haleela ayaa waxa uu yidhi, “jacaylkii iigu hereeyey waxa aan jeclaaday gabadh reer Poland ah aniga oo 18 jir ah, Waarso ayay ka soo duulaysay aniguna magaala kalaan joogey. Waxay igu tidhi Moosko ayaan maalinta caynkaasa imanayaa, meel aanu iska mal-malaynay ayaanu ku balanay, nasiib-darrose waan ka waayay oo may iman. Laakiin markii dambe Moosko oo ay 7 million ku noolyihiin ayaan ka soo dhex helay! Jacalykii iigu xigayna waxuu ahaa kaan xaaskayga aan iminka wada-joogno u qaaday Illaahay mahadiina waan ku negaadey”. Md. Faysal waxa uu ku dooday in ninka laba xaas guursadaa aanu ahayn nin jacayl helay. Mar la waydiiyey heesta uu ugu jecel yahayna waxa uu yidhi, “Waxaan jeclaa heesta la yidhaahdo ‘Caashaqu wadaad ma leh’ ee ay ku luqayso fanaanada caanka ah ee Aaamina C/lahi, waxan hal-abuuray Xasan geney, midheheedana waxa ka mid ah:

Weligeed aduunyada
Wakhtigaa nin saacida
Ninna waayahaa xidha
Labadaase waxan ahayn
Horey ayaa looga waayee
…………………………

Caashaqu wadaad ma leh
Waalalowna kuma hadho
…………………………

Waxba hay dabiibina
Wedka aan is aragnee”

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Siilaanyo, oomadasha su’aalaha kaga jawaabayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay kaftan iyo duurxul ay ka muuqato inuu jeclaan lahaa in uu ka mid noqdo daawadayaasha su’aalaha waydiinaya, hadalkiisiina waxa ka mid ahaa, “Anagu mar-marka qaarkood waxanu u nidaamdanaa inaanu ku faraxno ama dhegaysano ama aanu ka nasano hadalkayaga laftiisa, mar-marka qaarkood waa inaad dhinaca kale ka soo jeesataa oo aad noqotaa ka wax weydiinaya…”. Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya waayihiisii jacalyka waxa uu ku gaabsaday, “marka jacayl iyo waxaa laga sheekaynayo waxaan ahay nin wayn oo awow ah, waxaan ahay dadka aanay wixiisu guur-guurin ee aanay bood-boodka badnayn, ta aan jeclaana waan qabaa sidaasaanan raali ku ahay oo ku jeclahay”

Waxa iyana xusid mudan Muuse Biixi iyo Dr. Maxamed Rashiid sh. Xasan oo ka sheekeeyey waayohoodii xoola-dhaqasho iyo wakhtigii ay miyiga ku qaateen, iyagoo ku luqeeyey qaar ka mid ah hees-hawleedyadii ay xoolaha ku raaci jireen. Sidoo kale wasiir-kuk-xigeenka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Soomaaliland ayaa isaguna ka waramay waayihiisii dhalin-yaranimo, isagoo sheegay inay fardaha dhaqan jireen.

Ugu dambayntii waxa madasha ka hadlay Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida, Sh. Axmed Nuuh Sh. Furre oo u mahad naqay HAVAYOKO iyo marti-sharaftii kaleba.

Waxaan la ilaawi Karin qosolkii ay martidu jaanta isla rogtey iyo xiisihii ay madashu u lahayd dadka ku dhega-barjoobey siyaasada muranka ah ee dalkeena daashatey, ee ay siyaasiyiinta laftoodu ka mid yihiin. Waxaana la odhan karaa waxa ay ahayd cawaysin culays badan ka dejisay siyaasiyiintii madasha fadhiday oo laga yaabo inaanay muddo dheer u qoslin sidii ay xalay u qosleen.


Jaamac Ismaaciil Nuur
E-mail: jaamacyare11@hotmail.com
HARGEYSA/SOMALILAND
Bahda Aqoonkaab