Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

DARAASAD: XOGTA QARSOON EE TAHRIIBKA IYO ARDEYDA JAAMACADAHA DALKA October 2, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 9:36 pm


Waxa laga joogaa siddeed iyo toban sanno maalintii ay Somaliland kala soo noqotay xornimadeeda maamulkii kelitaliye Siyaad Barre, laakiin gobanimmadu bilaash maaha, madax-banaanideenu waxay ku timid halgankii, jihaadkii, iyo nafhurristii geesiyaashii iyo mujaahidiintii SNM. Waxay ku timid dagaal adag oo ay maato farro-badani ku naf weyday. Waxay kaloo ku timid halgan iyo dhirannaan ay muujiyeen shacabka Somaliland . Waxaynu ku weynay rag badan oo ahaa haldoorkii ummada.

Maanta siddeed iyo toban sanno kadib, maxaa inoo kordhay? Runtii wax badan ayeynu qabsanay, wax badan oo aynu qabsan karri lahayna waynu ka gaabinay, oo maxaa sababay inaynu gaadhi weyno? Aniga iyo garaadkay, laba arrimood ayaa usababa ah waa marka kowaade, siyaasigeenii loo baahnaa in uu hillin toosan mariyo himiladeena oo hir markaynu gaadhno ba ku labaad hillaadsho ayaa waxuu noqday daneyste aan danta guud waxba ka ogayn. Bal ufiirso siyaasiyiinteenu muxaafid iyo mucaaridba waxay siyaasadii ka dhigeen kursi iyo lacag ay ku raadinayaan qabyaaladayn iyo afxummo, siyaasigeenii waa mid bilaa mabda ah oo hadii uu maanta xisbi kursi ka waayo mid kale ka raadsanaya oo ku biiraya, jabka maanta qarankeena ku dhacay iyo ka ku dhici doonaba siyaasi danayste ah ayaa usabab ah.

Arinta labaad ee sababtay in horumarka dalkeena gaabis noqdaa waa shacabkii oo wadaniyadda iyo danta guud aan siinin qiimahii ay lahaayeen, qaran iyo qabiil ayaa iskugu mid ah, wadaniyadii waxay ku daba faylsheen tolnimo, aqoontii iyo garashadii qabyaalad baa majaraha u haysa.

Qalinku yaanu ila baxsane aan isa soo qabto. Dulucdeenu waa dhalinyarro ka hayaamaysa dhulkii ay awoowayaashood iyo aabayaashood dhiigoogii iyo dheecaankoogii usoo daadiyeen, dhulkii ay u hureen nafohoogii iyo maalkoogiiba, waa nasiib-darro’e ma dhul nafo loo huray ayaa geya in laga tahriibo. Xasha’e waa maya, alleylahe dhalinyartaasi way qardo-jeexday oo xalkii mushkiladoodu meel aanu jirrin bay ka raadsheen, waajibkii wadaninnimo ee iyagaba saarnaa ayey ilaaween.

Dhalinyarta tahriibtaa dhibaatooyin aan lasoo koobi Karin ayey la kulmaan saxaraha surmigiisa ayay qaarkood ku dhintaan, waa la dhacaa, jidh dilaa, kufsadaa iyo weliba xannuuno nafsaani ah oo lagu abuuro intay jeelasha qalaad ku jiraan, dhibta ugu xuni waxay ku dhacdaa markay badweynta gaadhaan waana halka natiijada imtixaankoogu ku dhejisan tahay.

Siyaabbo kala duwan ayaa loo sharxaa suudalka waana qof iyo aragtidii. Annagu si aanu uga taxadirno aragtida qofeed oo aanu ugu dhawaano xaqiiqada waxaanu samaynay daraasadan oo aanu ku raadinayno xogta qarsoon ee tahriibka, ugu horeyn daraasadani waxay martay laba marxaladood, marka koowaad waxaa lasoo ururiyay su,aalo dhinac kasta ka taabanaya tahriibka, kadibna dood iyo falanqayn ayaa laga sameeyay jaawaabahii munaasibka ku noqonaayey su,aalahaasi, markaa su,aal kasta dhawr jawaabood oo dhamaantood ku haboon ayaa la helay, hadaba si loo ogaado siday ukala mudan yahiin waxaanu samaynay questionnaire la dooranayo jawaabta ugu saxsan ee su,aal kasta.

Daraasadani waxaa ka qaybqaatey ardayda jaamacaadaha dalka siiba jaamacaadaha ku yaala magaalo madaxda dalka ee hargeysa, waxaana fikirkooga kasoo dhiibtay 107 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, ujeedada daraasadani waxay iskugu soo biyo shubanaysaa in la ogaado saddex arimood oo tahriibka ku saabsan.

maxaa sababay in dhalinyartu tahriibto?

waa maxay natiijada ka dhalanaysaa?
waa maxay xalka loo baahan yahay si tahriibka loo joojiyo?
Qiimaynta markaanu ku samaynaynay daraasadani waxanu isticmaalnay xisaabta boqoleyda (percentage), su,aal kastaana waxay ka kooban tahay 100% waxbana ma dheeri kamana dhinna, waxaanu halkan iidinku soo gudbinaynaa natiijadii daraasada iyo wixii kasoo baxay.

1.maxaa sababay in dhalinyarta dalka ka tahriibto?

Ardeyda daraasadani ka dhiibatay fikirkoogu 71.9% waxay sheegeen in shaqo la,aanta dalka ka jirtaa ay sabab u tahay tahriibka, halka 13.1% ay ka yidhaahdeen dhaqaale darrada dalka ayaa usabab ah, 4.7% kamida ardeydaasi ayaa aaminsan in ay tahriibka ay sababtay buunbuuninta ay qurbojoogu buunbuuniyaan qurbuhu, ugu danbeyn 10.3% ayaa isku raacay in qabyaaladeynta iyo eexda shaqaaleysiintu ay sabab u yahiin in dhalinyartu dalka ka hayaamaan.

yaa iska leh masuuliyada ama eeda in dhalinyartu dalka ka tahriibto?
Sida cad ee aan la iska indhotirri Karin 68.2% kamid ah ardeyda daraasadani ka qaybqaadatay ayaa sheegay in xukumadu ay leedahay eeda in dhalinyartu dalka ka tahriibto maadaamaa ay ka gaabisay in ay qorshe shaqo abuuris u samayso dhalinyarada, 14% na waxay eeddaasi dusha ka saareen siyaasiyiinta oo niyadjabka murankoogu uu sababay in dhalinyartu ay u aragto in mustaqbalkii wadanku mugdi galey, halka 11.2% ay yidhaahdeen waalidka iyo qaraabada ayaa eeddaasi iska leh, 6.6% ayaan iyagu cidna eeddaasi dusha ka saarin.

3.halkee ayey ka helaan dhalinyarradu ku dhiirigelinta tahriibka?

tahriibku waa shey u baahan calool adeyg iyo dhiranaan, dabcan dhiirigelin la,aan suurtogal ma noqonaya, dhalinyarta ka qaybqaadatay daraasadani 56% ayaa aaminsan in dhalinyartii hore u tahriibtay kusoo dhiirigaliyaan dhalinyartani inay iyaguna soo hayaamaan, halka 25.2% na ay sheegeen in dadkan qurbaha ka yimaadaa ay ku dhiirigaliyaan dhalinyaradda inay dalka iskaga tagaan, 3.8% ayaa yidhi dad shisheeye ayaa tahriibka ku dhiirigaliya dhalinyarrada, 15% ayaa iyagu sheegay inaan ciddina dhalinyarta kula talin inay tahriibaan.

dhalinyarta tahriibta waa kuwa noocee ah?
23.4% kamida ardeyda daraasadani ka dhiibtey fikirkooga ayaa sheegay in barbaarta tahriibtaa ay yahiin kuwo nolol fiican haystay laakiin qurbaha uun iska jecel, dhinaca kale 53% ayaa aaminsan in dhalinyarta tahriibtaa ay tahay qaar shaqo iyo nolol wanaagsanba ka waayay dalka gudahiisa, 16.1% na waxay sheegeen in dhalinyartaasi ay tahay qaar bilaa ujeedo u tahriibaya, ugu danbeyn 7.5% waxay yidhaahdeen dhalinyarta tahriibtaa waa qaar dalka uun iska nacay.

dhalinyartu si ay wadanka ugu negaaddo maxay u baahan yahiin?
61.7% kamida dadka fikirkooga ka dhiibtay daraasadani ayaa sheegay in dhalinyartu ay ubaahan tahay shaqooyin si ay dalka ugu negaaddan, 25% na waxay yidhaahdeen barnaamijyo horumarineed haloo sameeyo dhalinyarta si ay dalka u joogaan, halka 8.4% ay sheegeen in dhalinyartu u baahan tahay waxbarasho tayo leh oo jaban, ugu danbeyn 4.9% ayaa yidhi dhalinyartu waxay u baahan tahay in la baro xirfaddo ay ku shaqeystaan.

maxay dhalinyartu u tageysaa qurbaha?
Ardeydii daraasadan ka qeybqaadatay 77.6% kamida ayaa aaminsan in dhalinyartu qurbaha utagto si ay usoo shaqeystaan maal farro badan, dhinaca kale 11.2% ayaa sheegay inay doontaan waxbarashada fiican ee reer galbeedka, halka 7.5% na ay qabaan inay u tagaan si ay usoo ilabaxaan, 3.7% ayaa yidhi raaxo jaceyl ayay u tagaan.

dhalinyartii hore qurbaha ugu tahriibtay maxay soo faa,iideen?
Marka hore dhalinyarta geeridda tahriibka ka badbaaddaa khasaare faro badan iyo faa,iido yar ayey qurbaha kula kulmaan, su,aashani waa faa,iidada qurbaha maahin tahriibka. 33.6% kamida dadka fikirkooga ku darsaday daraasadani ayaa sheegay inay la yimaadaan maal faro badan, halka 22.4% na ay sheegeen inay wax soo bartaan, dhinaca kale 14% ayaa aaminsan in dhalinyartaas qurbaha gaadhey aanay wax faa,iido ah habayaraatee la kulmin, ugu danbeyn 30% ayaa ayaa yidhi dalka iyo dadkaba way ilaawaan taasina faa,iido maahin.

Maxay noqonaysaa natiijadda ka dhalanaysa hadii la joojin waayo tahriibka?
Run ahaantii tahriibku kumannaan dhalinyarteena ah noloshoodii ayuu qabaa waana xoog dalkeena ka baxay, mustaqbalka wadankuna waa dhalinyarta oo hadii aan la daryeelin jiritaanka wadanku halis ayuu ku jiraa, 25% kamida ardeyda daraasadani ka qaybqaadatay ayaa sheegay in xooga dalka oo ah dhalinyarradda la waayi doono, 20.6% na waxay aaminsan yahiin in isbeddel dhaqan bulsheed (socio-cultural change) inagu dhici doono. Halka 47.9% ay aad uga deyriyeenba mustaqbalka wadanka hadii aan la joojin tahriibka, 6.5% ayaa yidhi qowmiyaddo kale ayaa dalka inagu qabsan kara.

waa maxay xalka ugu habbooni?
Xalku baahiddda ayuu la xidhiidhaa, hadii la ogaaday sababta dhlinyartu u tahriibayso, xalka suudalku waa in baahida dhalinyarradda la yareeyo oo wax loo qabto, 58.9% kamida dhalinayarta daraasadani ku jirta ayaa aaminsan in shaqo abuuristu ay tahay xalka ugu haboon ee tahriibka lagu yareyn karo, 15% na waxay sheegeen in dhalinyartoo laga caawiyo dhinaca maaliyadda waxabarashadu ay noqon karo xalka suudalka, halka 15.8%na ay isku raaceen in wacyigelin la sameeyo Wadiniyadana la xoojiyo,ugu danbeyn 10.3% ayaa yidhi xirfaddo ay ku shaqeystaan hala barro dhalinyarta oo garaadkooga hala kobciyo.

sanadaha soo socda, isbeddel noocee ah ayaa tahriibka ku dhici doona?
Isbeddelka tahriibka oo noqda inuu yaraadaa waxay ku xidhan tahay baahida dhalinyarta sida hadba loo daboolo iyo qorshaha ay xukumaddu la timaaddo, hadii kale isbedelku wuxuu noqon doonnaa inuu tahriibku sii kordho oo keliya. 64.5% kamida ardeydu waxay sheegeen in uu tahriibku kordhi doono sanadaha soo socda marka laga shidaal qaato xaalda wadanka iyo waayaha dhalinyarradu, halka 19.6% ayaa iyagu aaminsan yahiin in dhalinyarta wadanka ka carraraysaa is ay dhimi doonto, 13.1%na waxay sheegeen in aanu wax isbeddel ahi ku dhici doonin suudalka sanadaha soo socda, ugu danbeyn 2.8% qudha ayaa aaminsan in tahriibku sanadaha soo socda istaagi doono.

dhalinyarta daraasadani ka qaybqaadatay ma isku dayeen inay tahriibaan?
21.5% kamida dhalinyartaasi hore ayey iskugu dayeen inay dalka ka hayaamaan, dhinaca kale 46.7% ayaan iyagu waligood ku fikirin inay wadankooga ka tagaan, halka 14% ay sheegeen inay imika u qorsheysan tahay inay wadanka ka tagaan, 17.8% kamida dhalinyartaasi ka dhiibatay fikirkooga daraasadani ayaa yidhi isla markaaanu lacag helno dalka waanu ka baxaynaa.

dhalinyarta jaamacadaha dalka wax ka barataa miyey u garaabeen dhalinyarta dalka ka tahriibtay?
53.2% kamida ardayda daraasadani ka qaybqaadatey ayaa tageeray oo u garaabay dhalinyarta dalka carrartay iyagoo ku sababeeyay shaqo la,aanta dalka iyo qorshe la,aanta xukumada iyo weliba siyaasiyiinteenii oo aanay waxba kasoo naaso-cadeyn, dhinaca kale 46.8% ayaa iyagu dhaliilay dhalinyarta dalka ka suudalaysa iyagoo yidhi meel dalkaaga kuu dhaantaa ma jirtee guddo waajibkaaga adiguba.

soo jeedimooyin:

shaqo abuuris: shaqo abuuristu waa xalka ugu haboon ee lagu joojin karayo tahriibka, waxana loo baahan yahay inay dawladu siyaasad cad ama qorshe cad sameyso si shaqo loo abuuro loona yareeyo tiradda dhalinyarta bilaa camalka ah ee jaamcadaha kaoo qalinjabinaysa, dhalinyarta kalena loo abuuro mashruucyo ay u shaqo tagaan.

waxbarasho jaban: inkastoonay macquul aheyn in waxbarsashada sarre bilaash laga dhigo, hadana waxa loo baahnaa qorshe wasaaradda waxbarshadu ay waxbarsho ugu raadiso dhalinyarta aan awoodin inay iska bixiyaan fiiga waxbarashadda sarre, waxay deeqo waxbarasho u weydiin kartaa jaamacaadaha dalka iyo kuwa dibadaba iyadoon la isticmaalayn garasho iyo jeeb toona.

xirfaddo la barro dhalinyarta: dhalinyarta ka baaqatay ama awoodi waayay inay sii wataan waxbarashada waxay ubaahan yahiin in la barro xirfad uu ku shaqeysto ama ku xoogsaddo, taasina waxay u baahan tahay ina la furro oo la xoojiyo machadyadda lagu barto farsamadda gacanta, dhalinayartana looga dhigo bilaash amaa bilaa fii.

barnaamiyo horumarineed: wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaarahu waxay shaqadeedii kusoo koobtay tartamada ciyaaraha oo qudha, waxa loo baahan yahay inay qorshayso barnaamijyo ku dhisayso tayadda dhalinyarta, waxay dhalinyartu u baahan yahay tabobaro aqooneed oo loo sameeyo, waxa kale oo wanaagsan in dhalinyarta lagu dhiirigaliyo inay taladda dalka wax ku darsadaan oo ay ka qeybqaataan.

Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (hargiesa university) Iyo

idiris dacwi daahir ( sana’a universty)

Email :shabaaba@hotmail.com

Email: idiris_05@hotmail.com

F.G Aqoonkaab marnaba kama masuul ah maqaalada akhristayaasha, wanaagooda iyo dhaliishoodaba waxa leh qoraha/qoraayada.