Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Maxaa Sababay dhibaatada haysata Dhallinyarada Somaliland?. September 29, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 7:02 pm

P00928200973058Dhibaatooyinka haysata Dhalinyarada Somaliland oo aad utiro badan waxaanu ku soo koobi doonaa dhawr qodob oo gudhig u ah Daraasadayadan aanu soo Bandhigayno kuwaasi oo kala ah Qodobadan hoos ku qoran:-

1. Dhaqan-xumo
2. shaqo la’aan
3. Caafimaad xumo
4. Rajo la,aan.

Qodobka koowaad:- Dhaqaale xumadu wa astaanta dhibaatada haysata dhallinyarada maanta. Waxayna keentay dhibaato aad u wayn oo xalkeeda la isku dayin loona haysan arin jirta haday tahay xukuumada Somaliland oo aan Xil iska Saarin sidii kor loogu soo qaadi lahaa Dhaqaalaha Wadanka si loo horumariyo Adeegyada Bulshada, Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha IWM. Taas oo saldhig u noqotay in Wadanka looga hayaamo Musuqmaasuq iyo Dhaqaalo xumo sababtay Tahriib iyo wixii la mid ah.

Qodobka labaad oo ah Shaqo la,aanta Baahsan ee Saamaysay Bulshada Reer Somaliland gaar ahaana Dhalinyarta oo ah mustaqbalka iyo ubaxa dal kasta, oo mudan in Niyadooda la wanaajiyo, lagana Faa,iidaysto Awoodooda Curdinka ah, Tusaale Gaaban hadii aan ku siiyo mustawaha Ardayda reer Somaliland waxa uu isugu jiraa noocyo badan, Qaar ka mid ah ardayda ayaa Xaalkooda nololeed illaahay uun ogyahay, qaarbaa Fee-ga wax barasha ay ka bixiyaan Dadka qaraabadooda ah, badanaana dhibka ubadan ee ay la kulmaan waxaa kow ka ah marka ay Dugsiyada Sare Dhamaystaan ee ay Awoodi waayaan Fee-ga Jaamacada oo runtii laga Qadimo Ardayga Hal semester oo dhan marka uu ugu yaryahay 165$ oo ay dheertay Registration Fee-gii 25$ taasi oo aanay awoodin qoysas badan oo danyar ah, waxa taa ka sii daran Ardaygii oo silic iyo dhibaato wax ku soo bartay marka uu dhamaysto Jaamacadii ee uu waayo shaqo, intaas oo sano ku soo dhex jiray silic iyo darxumo uu is lahaa marka aad jaamacada dhamaysto abaalkii waalidku ayaad gudaysaa , waxa uu la kulmayaa Dhibaato hor leh, Warwar iyo walbaxaar cusub oo sababi karta inuu ku kaco falal Aan wanaagsanayn oo ay dantu ku kalifayso.

Shaqooyinka Somaliland ayaa Tixgalinta koowaad la siiyaa Qabyaalada halka darajada labaad ay tahay garasho, aqoonta badanaa la dhigo Xaga danbe, way jiraan Arday faro ku tiris ah oo Shaqo ku hesha nasiib iyo wixii la mid ah laakiin marka aad ufiirsato Shirkadaha waawayn ee Wadanka ka jira, hayadaha Dawliga ah, Hayadaha Caalamiga ah, iyo Shaqooyinka Xafiisyada Gaarka loo leeyahay Dhamaantood waxay ka simanyihiin Arintaasi aan kor ku soo xusnay.

Qodobka Seddexaad ee Daraasadan waxa uu ka hadlayaa Caafimaad Xumada wadanka Taala, iyada oo aanay jirin Adeeg Caafimaad oo dhamaystiran oo loo fudiyo Bulshada, hadii aan tusaale Gaaban ku siiyo akhriste bal ufiirso Cusbitaalka Guud ee ugu wayn Somaliland ee Magaalada hargeisa, Guud ahaan tayada qalabka iyo Adeegiisa Caafimaad oo runtii marka aad aragto, Fajac iyo anfariir aad kala kulmayso, taasi oo ay dheertay Dhibta haysa qofka oo ka horayso in uu qadimo lacagta, inta aan Adeeg loo fidin.

Tiro koobkii Caafimaad ugu danbeeyay ee ay soo saartay Hay’ada Unicef ee ku saabsanaa Dhallinyarada oo sheegayay in uu ahaa mid aad u heer sareeya kaasi oo aan ku haboonayn Dhallinta xaga Caafimaadka. Tiro koobkaasi inkasta oo ay ka danbaysay Laba Sanno hadana heerka caafimaad ee Dhalllintu waa halkii iyo in kaban ayuu taagan yahay wali, walaw, ay Hay’ado wadaniya oo ku hawlan dhibta jirta. Laakiin, ma dheeli karaan dhibaatada caafimaad oo dhan mana jiraan Barnaamijyo u gaar ah oo ay samaysay Xukuumadu.

Waxaa iyaguna jira Xanuuno ku soo badanay Wadanka Gaar ahaana Dhalinyarada ku waasi oo badanaa ku dhaca maskaxda qofka bani,aadamka ah tusaale ahaan, waxaa soo badanaya Xanuunada warwarka iyo walbahaarka oo badanaa ay sababto Duruufaha Dhaqan dhaqaale iyo Xaalka Rajo la,aaneed ee marba marka ka sii danbaysa sii xumaanaya.

Hadii aan udaadagno Qodobka ugu Danbeeya Gundhiga daraasadan oo ahaa Rajo la,aanta wadanka ay ka muujiyeen mustaqbalkii iyo Xoogii ugu badnaa ee wadanku lahaa, maalin walba badaha iyo Saxaaraha wadamada Libiya iyo Sudan laga soo gurayo Maydkoodii, Taasi oo tusaale kuugu filan rajada ay dhalintu ku qabaan Xukuumada Wadanka haysta oo ku illawday Mustaqabkii Dhalinta sidii ay ugu sii nagaadin lahaayeen Kursiga Madaxwaye Rayaale iyo Xukuumadiisa oo kala wayn Masiirkii umada iyo Qaranimadii iyo jirintaankii Somaliland-ba.

Waxaana sii xumaanaya maalinba maalinta ka danbaysa Rajadii laga dhursugayay midho Dhalka Nadabada Socod baradka ah ee ka hana qaaday 18-ka sanno Somaliland, Taasi oo marka mudo la joogoba cagaha dhulka looga qaado, dabadeedna lagu Xaliyo Sheeko Cusub oo loo yaqaano Dhexdhexaadin aan midho dhal lahan.

Kuma soo koobi karo qaybtan oo kaliya Dhibaatooyinka Baahsan ee Wadanka yaala, kuwaasi oo ay ka gaabisay Xukuumadu oo ay Taariikhda Somaliland ku suntantahay Boog madawna ka noqon doonto mar ay noqotoba, hadii aan wax laga qaban mustaqbalka Dhalinyarada ee Sida kubada loogu dheelayo.

Daraasad aanu ku samaynay iyo Baadhis farabadan oo aanu ku ogaanay wax badan ayaa waxaa nooga soo baxay in Wiilal iyo Gabdhoba dhibaatada wadanka la wada qabo, haday tahay tahriibta iyo Ta balwadaha oo aan barigii hore lagu arki jirin wadanka dumarku ku isticmaalaan mukhaadaraadka, balse waxaa ku soo badana dadka qurbaha ka yimi ama dhaqamo kale ka haysta meelo kale oo badanaa saamayn ku yeeshay Dhaqankii wadanka ee aan lagu aqoon dumarka mukhaadaraadka.

Guntii iyo Gabagabadii “dhalinyaradii dalkaygoo waxaa dhaygag igu dilay Dhalintii dalkeenoo laga dhaarshay dheeftee”. Duruufaha iyo Dhibta Adag wadanka ku haysata Dhalinta mar uunbaa laga bixi doonaa laakiin waxaanu talo ku soo ururinaynaa Samraa Sadkii helee wadanka ha loo Samro, illaahayna waxaan ka baryayntaa Maamul Toosan iyo Hogaan Fiican oo Rajada Wadanka Soo nooleeya.

Wa bilaahi Tawfiiq

Nimco muxumed iyo Naciima Yuusuf
Qaali540@hotmail.com , naciimahappy@hotmail.com
Hargeisa Somaliland.