Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

September 27, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 1:26 pm

FURITAANKII NAADIGA AKHRISTAYAASHA GEBILAY EE TIMACADDE

Waxa qortey Sahra Kiin Cabdiraxmaan Axmededdd

sawir

24kii Sebteember 2009ka, goor ku sinaan 6:00dii fiidnimo ayaannu ka baxnay magaalada Hargeysa, annaga oo u sii jeedna magaalada Gebilay ee galbeedka Hargeysa maalintaas waxa ay ahayd maalin jawi qurxoon cimilada iyo neecawda jirtaana ay aad u fiicanayd, daruuro qurux badanina ay jireen, jawiguna uu ahaa jawi roobban oo ku fiican in la dalxiiso naftuna ay iska daansho daanshooto. Waxba yaanan ku dheeraan jawigaa qiimaha badanaa ee maalintaasi, waxa aannu sii wadannay socdaalkayagii aniga oo la socoday koox dhallinyaro ah oo dhammaantayo u soconay hawl mutadawancimo iyo muwaadinimo ku dheehantahay gudanaynayna waajibkayga dhalinyranimo, waxaanu qaadanay wadada dheer ee isku xidha caasimadda iyo gobalka Gebilay.

Qaddar markii aanu soconnay ee aan dhaafnay deegaanka Abaarso nasiib darno waxa aanu jidkaasi kula kulanay arrin argagax iyo ma hadho nagu reebtay aananu illaawi doonin inta noloshayda ka hadhay waxa jidka ka dhacay Shil baabuur oo naxdin iyo murugo gaar ah watay gaadhigii aanu wadanay ayaanu haadka bidix inta aanu wadada uga baxnay istaajinay, waaba Baabuur weyn oo kuwa xamuulka qaada ah oo midabkiisu yahay sacfaraan ama orange cidba sida ay u taqaanee oo ah UD iyo baabur cad oo mark-tuuya oo is gelay Inaalilaahi wa inaailayihi raajucuun alle ha u gargaaro intii ku dhaawacantay naxariistii janno ha ka waraabiyo intii ku dhimatay, Ilaahayna idinka iyo anagaba ha innaga nabad galiyo shil gaadiid cir iyo dhulba. Waxba ku dheeraan maayo shilkaa baabuur iyo dhibaatooyinka jira waxaan ku lafo guri doonaa maqaalo kale. Lakiin waxaanan iyadana illaabi doonin dhallintii ila socotay gargaarkii qiimaha badanaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeeloobay shilkaa baabuur Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro, Ilaahay waxa uu caawiyaa kuwa nafahooda caawiya ee alle ha caawiyo hana inoo gargaaro dhammaanteen.

Qaddarkaa naxdinta iyo murugada badanaa aduunyada ayaa iska sidaase naxdin iyo murugo socotee, ka dib waxaannu sii wadannay socdaalkaygii markii aanu mareynay Arabsiyo waxa tiixtiixay roob yar oo lagu qabawsaday oo markii aanu yaryarayn aanu u naqaannay ciyaal ka cabsiis, abbaaro 7:32 daqiiqo ayaanu gaadhnay Gebilay waxa aannu islamarkiiba galnay madashii ay munaasibaddu ka dhacaysay waa Hotel Askar oo marka magaalada aad gashoba dhanka midig kaa qabanaya oo ku yaalla barta magaalada laga galo islamarkaana ka mid ah hotelada uga waaweyn deegaankaas,waxaanu galnay hoolkii munaasibaddu ka socotay, yaaslaam, oo madal qurxoon weyn marwaxdo badan ku xidhanyihiin dhalin aad u badan oo ka kala yimid deegannada gobolka Gebilay ka koobanyahay iyo waliba marti sharaf kale oo ka timid Hargeysi ay cammireen. Bal aan eegno madasha sida loo fadhiyey ee loo cammiray dhinaca sare ee loo yaqaano banalka waxa fadhiyey rag qiimo badan ku leh Somaliland iyo dhalinta dhexdeedaba waxaan ka xasuustaa Boobe Yuusuf Ducaale, Xasan Cabdi Madar, Axmed aw Geedi iyo Cabdirisaaq Sh Aadan, Badhasaab xigeenka Gobolka Gebilay. Dhinaca midigta ee hoolka waxa saf dheer fadhiyey dhalin ku labisnayd garmaan ay ku qorontahay Timacadde Readers Club oo saf dheer si quruxbadan oo nidaam leh u cammiray dhinaca dad weynaha waxa fadhiyey hablo bilicsan oo ku jeeniqaarnaa halku dhiga naadiga xagaa meel aan ku fogayna ay fadhiyeen wiilal bilicsan oo iyaguna sidoo kale nidaamsanaa.

Aayadaha Qur’aanka kariimaka ah ka dib waxa hadlo soo dhaweyna ah iyo ujeeddooyinka loo aas aasay ku furay Mahdi Cabdi Sheekh oo ku hadlayey magaca aasaasayaasha naadigan una mahadnaqay martisahrafta isugu timid xafaladda qiimaha leh sidoo kale mahadnaq baalladhan u hibeeyey naadiga akhristayaahsa Hargeysa oo uu sheegayn in ay hawl fiican oo ay bilaabeen lagaga dayday, munaasibadda oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay balse ay khudbaddeedu ay aad u dheeraayeen dad badan oo kala duwana ay madasha ka hadleen, akhiste idiinma soo gudbin karo dhammaan hadalladoodii lakiin dhallintii meesha ka hadlay haddaan xuso waxa ka mid aha Agaasimaha fulinta ee SONYO, Barwaani, Culimo oo ka socday ururka waddaniga ah ee HYDA islamarkaana ah guddoomiyihii hore ee SONYO, Farduus Siciid Dirir oo ka socotay naadiga Halkraan ee Burco, Khaalid Jaamac qodax oo ka socday Naadiga akhriska ee Hargeysa iyo waliba Cabdicasiis Yoonis oo ah wiil da’yar oo sameeya maahmaahaha dhammaantood dhallintaasi waxa ay ka sinnaayeen hambalyada dhiirigelinta iyo shucuurta faraxadeed ee ay la qeybsanyeen dhallinta reer Gebilay, waxa iyaguna halkaasi gabayo qosol iyo xikmadi ku jirtay ka jeediyey laba abwaan oo da’yar oo reer Gebilay ah waa abwaan Baas iyo abwaan Mukhtaar.

Wali waxaan dhexmushaaxaynaa khudbadihii iyo hadalladii waxa isna markan makarafoonka la wareegay qoraa Xasan Cabdi Madar waxaanu ku hanbalyeeyey dhallinta reer Gebilay hawsha fiican ee ay qabteen waxaanu ka codsaday in ayna hawsha ayna halkaa kaga hadhin ee ay sii wadaan islamarkaana ay wax akhriyaan inta ay akhriyi karaan qoraalka laftigiisana ay wax qoraan si ay uga midho dhaliyaan waxa ay higsanayaan mustaqbalka, qoraa Xasan Madar ka dib waxa qaatay hadalka abwaan Axmed Aw Geedi “Dheeraad” oo ka codsaday dhallinta in nabadda la ilaaliyo oo haddii aanay nabdi jirin aan nadi jirayn waxa akhris iyo qoraal toona aanu jirayn islamarkaana baaq nabadeed u diray beelaha walaalahaa ah ee ay dirirtu ku dhexmarayso deegaanka Ceel berdaale ee u dhaxeeya gobollada Awdal iyo Gebilay waxaanu abwaan Aw Geedi madasha ka akhriyey gabayo isugu jira waano iyo nabad oo ka hadlaya qiimaha nabadda iyo dhibaatada dagaalka.

Aan ka nasanno akhriste dhinaca khudbadehee waxa la galay qadar buugaag qaybina, kaasoo oo ay ku deeqeen buugaag kala duwan qorayaasha Boobe, Xasan Cabdi Madar, Axmed aw Geedi iyo buugaag kale oo ay ku deeqeen red-sea online iyo qorayaal reer Somaliland ah oo ku sugan qurbaha sida buugaagta ay qoreen qorayaasha Jamaal Cali Xuseen, Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Cawed Cige iyo Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd”, waxaana dhammaan buugaagtaa loogu deeqay naadiga cusub ee Timacadde. Intaa ka dib waxa la galay qadar bakhtiiyaansiib ah oo waraaqo ay ku qoran yihiin buugaag kala duwan magacyadoodu loo qeybiyey dadweynaha kadibna qofkastaa buugga uu ku guualaysto la siinayay.

Akristayaasha qiimaha badanow waxaba yuuna qalinku ila dheeraanne sida laga wada war qabo waxa hore Somaliland uga jiray 7 naadi waxa akhris dhammaan gobolada Somaliland iyada oo uu Naadigan Timacaddana uu noqonayo naadigii 8aad ee laga aas aaso guud ahaan jamhuuriyada gaar ahaana Gebilay, waxa lakiin mahadda iyo hanbalyo weyn u suganaatay naadiga akhristayaasha Hargeysa oo ah naadigii ugu horeeyey oo hadda jira saddexsano iyo shanbilood sida uu ii sheegay Khaalid Qodax oo ka tirsan bahdaas, taasi waxa ay caddaynaysaa in ay dhallinta somaliland ay u tis qaaday dhinaca aqoonta, akhriska iyo waliba qoraalka islamarkaana ay dib u soo celinayaan iftiinkii iyo ilayskii horumarka iyo waxbarashada ee ku burburay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, runtii maanta waxa Somaliland dhallinteeda looga baahanyahay isbaddal caafimaad qaba oo dhinaca horumarka ah lakiin yaanu noqon mida lagu baddalo qori iyo is qarxin ee waa in uu noqdaa mid qalinka waxa lagu baddalo.

Akhriste ila eeg shaxda hoose waa magacyada naadiyada ka jira Somaliland magacyadooda iyo sida ay u kala horeeyeen:-
Lan Magaca Naadiga Soo gaabin Gobolka
1 Naadiga akhriska ee Hargeysa HRC Maroodi jeex
2 Naadiga akhriska Maskaxmaal MRC Awdal
3 Naadiga akhriska Berbera BRC Saaxil
4 Naadiga akhriska Halkaraan HRC-Halkaraan Togdheer
5 Naadiga akhriska Anfac ARC Sanaag
6 Naadiga akhriska Ismaaciil Mire IRC Sool
7 Naadiga akhriska Sheekh SHRC Sheekh- Saaxil
8 Naadiga akhriska Timacadde TRC Gebilay

GUUL IYO GOBANNIMO WAARTA

Sahra Kiin Cabdiraxmaan Axmed | Sahra873@hotmail.com | Hargeysa, Somaliland

SOURCE:redsea-online.com

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s