Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Jaceeylka Aragtida Koobaad September 24, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 4:38 pm

love storyJaceeylka Aragtida Koobaad

Sheekadan waa sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada hargeysa

Xiligu waxa uu ahaa goor casar ah cad ceeduna godka sii galeeyso markii aamina gashay mahadka luuqadaha kala duwan , Aamina markii ay galaaskeeda gashay ee ay inyar fadhiday salaantayna asxaabteeda galaaska ayaa waxaa albaabka kasoo galay macalin cusub oo aan aheeyn kii hore ugu dhigi jiray Aamina maalmahaa mahadka wayka maqneeyd in mudo ah manay ogeeyn macalinkeedii in labadalay kadib waxa ay waydiisay hablahii aaway macalinkii waxa aanay u sheegeen in la badalay macalinkii hore kana uu yahay ku cusub nuurna la yidhaa ,waxay inyar fadhidaba macalinkii waxa uu bilaabay in uu ardeyda way diiyo su’aalo ku sahabsan casharada ay dhiganayaan .
Ardeydii iyo macalinkii su’aalo iyo jawaabo ayay iswaydaarsadeen kadib macalinkii ayaa aamina isha ku dhuftay waxa aanu ku idhi adigu maad joogin markii aan imid mahadka waad ka maqneeyd markaa magaceeygu waa nuur macalin sucubna waan ahay adiga magacaa? Aamina ayay ugu jawaabtay.
Maalintaa xiisadii sidaa ayay ku dhamaatay, Aamina asxaabteeda ayay raacday guryahooda ayaanay kala tageen. Si isdaba jooga ayanay ku socotay wax barashadoodii
Maalmo kadib ayaa waxa is badal ku imid nuur, nuur waa macalinka Aamina nuur waxa uu bilaabay in uu kolba soo daymoodo dhanka Aamina.
Aamina maalmahii hore waxa ay mooday in ay iska daymo macalinnimo tahay lakin arinku intaa ka wayn.

Aamina waxa ku imid khajilaad hoos ayaanay eegasay ilaa intii xiisadu dhamaanaysay , macalinku waxa uu ahaa nin dhalin yaro ah maalintaa sidaa ayay xiisadu ku dhamaatay aamina ineey foorartayna waxa dareemay asxaabteeda waanaay waydiiyeen waxa helay markii xiisadu dhamaatay waanay u sheegtay in ay macalinka cusub ka khajishay kaas oo gantaalo fiirina ku ganayay xaga Aamina , hablahii waa ay ku qosleen aamina waana ay dacaayadeeyeen halkaa ayaa lagu kala hoyday ,maalintii kale ayaa leeyskusoo noqday daymadii macalinka waxba iskama ay badalin Aamina iyada qudheeda dareen ayaa galay wax leeys eego oo layska helaba barashada luuqadani waxa ay ku eekayd mudo gaaban ,mudadaana way soo gabagaboowday waxa la gaadhay dhamaadkii mudadaa waxa laga qaaday imtixaan natiijooyinkiina lasoo dhajiyay , halkaa ayaana xaflad sagootina loogu qabtay aamina iyo ardeydii la dhiganaysay galaaska .

Aamina waxa helay jaceeyl kaas oo ku bilaabmay aragtida koowaad jaceeylku kala duwane ka aragtida koowaad ku bilaabmaa ku dhamaada oo gabooba ama duugooba maaha maalinba maalinta ka danbeeysa ayuu sii bataa , marka ay ilaa mudo laba bilooda kasoo wareegtay dhameeyntii mahadkaa ayaa aroor Aamina iyo saaxiibadeed oo wada socda arkeen macalinkii Nuur, Nuur waxa uu ahaa inan ilaahay u dhameeyay haybad iyo wanaag xaga muuqaalka guud waxa uu ahaa qof soo jiidasho le in kasto aanay dabeecadiisa wax badan ka ogaan oo dheer inta uu xiisada u dhigayo hadana dabeecad wanaagsan ayaa ay ka dareentay Aamina aroortaa waa ay ku faraxday ineey aragto Nuur oo ayna in mudaa arag aroortaasi waxa ay aheeyd aroortii ugu danbeeysayee ay aragto Nuur.

Aamina waxa ay aheeyd inan aad u xishood badan mana ay awoodin in eey cabirto dareenkeeda oo ay Nuur usoo bandhigto dareenka jaceeyl ee ay u qabto ,waxa ay Aamina ka fikirto Nuurba waxa kasoo wareegtay laba sano maalin aroor ah aamina iyo asxaabteeda oo iskuulka dhexjooga ayaa waxa dhex maray sheeko wadaag saaxiibtinimo le kaftan badan ka dib ayaa dhankii Aamina loosoo jeedsaday su’aalo la badan oo la waydiiyay mid ka mida ayaa waxa ay aheeyd Aaminaay waligaa waxma jeclaatay cidse mala sheekaysataa wakhtigan xaadirkaa, runtii Aamina waxa ay aheeyd inan furfuran oo kaftan badan lakin aan awoodin in ay jaceeylkeeda u muujiso cida ay jeceshahay tiiyoo ka baqeeysa in lagu diido taas oo ay go’aan satay ineey la aamusto, Aamina saaxiibadeed waxa ay ugu jawaabtay may waligeey waxma jeclaan.

Asxaabta Aamina kama ay rumeeysan waana ay ku celceliyeen Aamina ineey runta u sheegto Aamina runta waa ay sheegtay waxa ay u sheegtay in ay mar jeclaatay inan waana ay uga warantay in aanay usoo bandhigin, sidoo kale Aamina waxa ay u sheegtay in aanay mudo laba sanaa arag wax warana aanay ka maqal meel ala meel uujoogo sidoo kale Aamina dhawr jeer ayay mahadkii kunoqotay oo ay is tidhi bal inaad inuun Nuur aragto lakin bilaa jadwa ma ay arag ilaa hadana aanu mar qudha niyadeeda ka baxin,

Aamina asxaabteedu waxa ay usheegeen in eey Nuur soo ka wardoonaan halka uu ku sugan yahay, halka ay Aamina asxaabteeda mid ka midana tidhi horta aan iskuulka dhameeyno markaa waan soo daydayeeynaa jaceeylkaaga e lakin laba kamida asxaabta Aaminna ayaa go’aansaday in ay Aamina war dagdaga oo sugan uga keenaan Nuur, Aamina markii hore waxa ay ku tidhi iska daaya lakin kama ay ogolaan waa aay ku adkeeysteen ineey soo ka war doonaan Nuur,
Maalmo yar gudahood ayaa Nuur taariikhdiisa oo dhameeystiran loo keenay Aamina, Aamina waa ay ku faraxday waana ay ugu mahad celisay asxaabteeda muna iyo nimco halka ay faraxna dacaayad bilowday farax oo ku talisay in Nuur la raadiyo marka wax barashada la dhameeyo.

Aamina runtii waa ay ku faraxday markii hore in ay warka hesho Nuur maadaama aanay mudo badan war ka helin lakin natiijada warkaa ma aay jecleeysan Nuur waxa uu ahaa ningabadh le iyo laba caruura oo yaryarna sidoo kale waxa ay u sheegeen in uu in laba sanaa ka maqnaa dalka oo aheeyd labada sano ee aanay Aamina arag, muna iyo nimco waxa ay ku taliyeen in aay waraaq udiraan Nuur lakin Aamina ma aay jeclaaysan fikradaa Aamina waxa ay go’aansaatay mar haduu yahay nin reerle in eey faraha ka qaado Aamina arinkaa waa uu ku adkaa lakin kaa ayuu ahaa go’aankeedu muna iyo nimco waxa ay ku idhaahdeen in badan mayee sidaa hayeelin Aaminana way diiday kaa ayuu yahay go’aankeeygu ayay ugu jawaabtay iyaguna waa ay ka aqbaleen.

Aamina jaceeylkeedu mid ay dhayal ku ilaawayso ma uu ahayn Aamina in badan ayay fikirtay oo murugootay isbadashay ,Aamina oomato wayka tagtay cunto daysay Aamina fakir ayaa ku batay fikirkeeda oo noqday in aay nuur ka fikirto uun had iyo gooraal Aamina waxa la gaadhay xiligii uu iskuulku u dhamaanlahaa , waxa ay u fadhiisteen imtixaamaaad kii dugsiga ayaamo kadib ayuu udhamaaday markii inmudaa laga soo wareegay ayaa lasoo dhajiyay imtixaanaadkii dugsiga ,Aamina waa ay ku guulaysatay imtixaankii sidaa ayaanay ku gudubtay .

Aamina Aabaheed waxa uu ugu balan qaaday in uu udiro jaamacad dibadaa ,Aamina Aabaheed waxa uu bilaabay in uu uhawl galo sida uu jaamacad ugu diri lahaa inantiisa halkaa ayaana Aamina loogu diray dalka India oo ay kasoo baratay cilmiga computer science, waxa ay ku maqneeyd saddex sano, Aaamina waxa ay tagtay waa dalkale oo ka dhaqan duwan keedii, dad cusub meel cusub , wax yaabahaa cuscusub ee Aamina indhaheedu arkayaan marna wax kama ay badalin dareenkeeda ay sanadada badan u qabto jaceeylkeeda Nuur Aamina waxa ay aheeyd inan ilaahay udhameeyay abuur sida ugu fiican ee qofbina aadama u abuuro ,Aamina waxa ay soo jiidasho kusameeysay ragbadan kuwaa oo qaarkood ula afbaxeen lakin Aamina sida hore loo iriba nin meeli ucadahay meeli ka madoow ayaa fikirkeedu meel kaliya iskugu biyo shubtay kamana ay aqbalin codsiyada loosoo dirsanayo , Aamina waxa ay maqneeyd saddex sano waxa ay dalkii kusoo laabatay tiiyoo anay dareenkeeda xaga Nuur ku jaheeysan wax iska badalin mudadaa ay maqneeydna aanay wax wara ka helin Aamina waxa ay shaqo ka heshay haayad ka mida haayadaha ka shaqo gala magaalada hargaysa , waxa ay la shaqeeyn jirtay inan la idhaahdo sahra taa oo ay asxaabnoqdeen Aamina iyo sahrra oo maalin wada fadhiya xafiiska ayaa waxa usoo galay laba inamood kuwaa oo doonaya ineey la kulmaan maamulka xafiiska Aamina waa ay soo fadhiisisay inamadii waxay inyar fadhiyaanba Aamina ayaa mardanbe kor u eegtay inamadii ,Aamina wayka soo jeedsatay ,marlabaad ayay eegtay markiiba waxa uu shaki ka galay in ay garaneeyso inamada mid ka mida inankii isaguna waa uu soo eegay Aamina labadoodaba shaki ayaa kala galay in ay is garanayaan , lakin waxa ay ahaayeen dad aan mudo is arag meeshana aan iska fileeyn .

Sahra ayaa inamadii u yeedhay oo tidhi walaal hore usoo socda maamulka ayaa idiin yeedhaya sahra inamada waa ay is garanayeen midkood midna waa ay is waji garanayeen Aamina ayaa waydiisay sahra ooku tidhi maad garaneeysaa inamada ,sahra haa ayay ugu jawaabtay midna mahamed ayaa la dhahaa midna Nuur ayaa ladhahaa lakin Nuur aad iskuma naqaano waan is waji garaneeynaa uun , waxa yaabtay Aamina Nuur ayaana ay ka wareeysatay waaba Nuurka ay Aamina sanadada badan jecleeyd , Aamina waxa ay sahra ugu jawaabtay sahra maxaa helay Nuur waa uu isbadalee , sahra waxa ay ku jawaabtay Nuur dhakhtarka ayuu inbadan ku jiray waana uu xanuusaday Aamina beerka ayay ka naxday markiiba ways badashay iyada qudheedii ayaa bukootay naxdin ay Nuurka naxday daraadeed , sahra ayaa aragtay in Aamina isbaadashay waxaana ay ku tidhi Aamina maxaa ku helay , Aamina waxa ay ku jawaabtay inta ay boorsadeedii gacanta qaadatay majoogi karo xanuun ayaan dareemayaa waan tagayaa xaafadii waa inoo markale halkaa ayaana ay xaafadii ku tagtay .

Aamina gurigoodii ayay tagtay hooyadeed ayaa aragtay oo ku tidhi hooyo hore ayaad usoo rawaxday maxaa ku helay Aamina ayaa tiiyoo oohin iyo nahdin isku dareeysa ku tidhi hooyadeed waxba, hooyadeed waa ay dareentay in lagu soo kordhay inan teeda waxa aanay ku celisay marlabaad waan ku arkaa ee maxaa ku helay, Aamina waxba ayay ku jawaabtay, hooyadeed orod hore usoco ayay ku tidhi,
Aamina maqsinkeeda ayay orod ku gashay Aamina dhawr cisho waxba may cunun manay shaqo tagin saddex cisho kadib ayaa ay shaqaadii ku noqotay , marka ay xafiiskii tagtay ayaa la wareeystay Aamina sida ay tahay waxaana ay usheegtay ineey iska fiican tahay shaqeeyn kareeysana Aamina waxa ay dhawr jeer qortay buugaag kala duwan ooka hadlaya cilmiga computer science ka emailkeeda ayaana ay halka u hoosaysa ku xustay sida inta badan u caadaa qof bug qora , Nuur oo lahaa mahad lagu barto computer science ka ayaa bug ka mida buugta ay qortay Aamina helay , Nuur isaga laftigiisa kama maqneeyn jaceeyl ee emailkii Aamina ayuu qaaday oo usoo diray waraaq kalgacal ku dheehan yahay , waxaanu usheegay in mudaa inuu raadiyay warkeeda lakin wax natiijaa aanu helin. Imikana uu doonayo inuu xidhiidh la sameeyo Aamina sidoo kale waxa uu usheegay in uu jecelyahay sidoo kale waxa uu ka dalbaday ineey wax kala qaabato jaceeylka uu uqabo Aamina.

Aamina in kastoo ay sanado badan jecleeyd Nuur aanay aamin saneeydna in maruun ay Nuur is heli doonaan hadana Kama ay aqbalin Nuur codsigiisa marhadii ay ku ogeeyd nin reer le, Nuur ayaa usoo jawabay Aamina waxaanu usheegay in aanay gabartii isku soo dhawaan mudo sanado ahba.
Aamina runtii nuur jaceeyl wayn ayay u qabtay waxaana ay doontay mar hadii uu yahay Nin aan reer laheeyn ineey xidhiidh wanaagsan la sameeyso, sababtoo ah dumarku sidoodaba ma jecla in eey isku dhawaadaan nin reerle ineey kaligood ku ahaadaan ninkooda ayay jecelyahiin,
halkaa ayaanay ku wada xidhiidheen jaceeylna la abuuray Nuur iyo Aamina waxa ay noqdeen laba is jecel labada ugu wacan, wakhtiyada qaar way dalxiis tagi jireey magaalada hareeraheeda iyo magaalooyinka kaleba, aad iyo aad ayay iskaga heleen marka ay xaaafada ku kala maqan yahiina mobeil iyo netka ayaa leeyskala hadli jirey sawirada la wada galayo iyo ubaxyada iyo hadyadaha leeysku dirayo iyagana hadal koodaba daa laba sina ku kala maqnaada may aheeyn run ahaantii waxa ay ahaayeen laba qof oo aad isku jecel midba midka kale daacad u yahay.

Wax leeys ku farax sanaadaba sidii u aheeyd caadada ayaa kuwii oo sii wata dalxiisyadooda kala duwnaa
ayaa waxa aytageen magaalada berbara soo noqod koodii ayaa waxa dhexda laga soo qaaday saddex hablood oo dalxiis iyaguna utagay magaalada berbara kuwaa oo gaadhigii ay wateen dhexda kaga xumaaday wax lasoo socdaba magaaaladii ayaa lasoo galay kadibna laba ka mida hablahii ayaa xaafadoodii lasoo gaadhay oo kadagay waxa kusoo hadhay inan ,
runtii waxa ay aheeyd inan qurxoon , Aamina oo daal dareeymaysay ayaa tidhi xaafada aniga igee sababtoo aheeyd xaafada inantan oo magaceedu yahay nasiim ayaa ka fogeeyd , ta Aaminna ,Aamina waalageeyay xaafadii waana ay ka dagtay halkaa na way ku macasalaameeysay Nuur iyo Nasiim sida hore loo yidhi rag damac iyo dacar toona kama dhamaatee Nuur inantii ayuu bilaabay in uu wareeysto , inantii ayaa wareeysi kooban dhex maray markii ay gaadheen xaafadoodii ayay inantii dagtay Nuur inantii waxa uu ka qortay lambarkeedii , Nasiim halkaa ayay ku macasalaameysay Nuur.

Maalmo kadib ayaa Nuur la hadlay Nasiim Nasiim meesha Kama ay filaneeyn Nuur waana ay yara iloow saneeyd markii danbe ayuu isku sheegay oo ku iri waa inankii aad maalintii jidka iskasoo raacdeen
Nasiim ayaa xasuusatay marka uu la hadlay ee uu usheegay in uu yahay inankii maalintii dhexda kasoo qaaday kadibna marka uu inyar wareeystay ayuu ku bilaaabay goorma ayaynu is arkeeynaa, Nasiim waa ay yaabtay oo waxa ay is tidhi inanku fadala cadaa wax aad tahayba kuma yaqaanee ma aan is aragno ayuu lasoo boodayaa markiiba , waxa ay ugu jawaabtay walaal hawlaha ayaa igu badan wakhti mahayo ee markale ilasoo hadal Nasiim waxa ay aheeyd inan wax baratay kana timid magaalada London ee arliga engriiska waxaana ay u timid magaalada in eey mashruucyo ka fuliso wakhtiga oo cidhiidhi ku ahaana way dareemaysay kolay qof danlaga leeyahay wakhti looma waayee Nuurna wax ahmiyad ah may siin,
maalmo kadib ayaa inankii Nuur lasoo hadlay waxaanu u sheegay in uu danwayn u leeyahay doonayana in eey wakhti siiso Nasiim waa aay ka aqbashay waxaana ay ku balameen meel hotel ah , inankii Nuur ayaa islaa wakhtigii ay balameen kaba sii horeeyay kadibna in mudo ah ayuu sugayayNasiim wakhtigii ay balameen waa ay ka dib dhacday Nuur oo yaaban oo isle maxaad sameeysaa laguu jarye ayay mardanbe utimid , waan raagay ayay ku tidhi waxba male ayuu ugu jawaabay danta aan kaa leeyahay ayaa ka wayn waxa ay ugu jawaabtay haye wakhtiga ayaa igu yar wax badan joogi kari mayo dantaada ka hadal ado sookoobaya hadalka .cajiib inan kii Nuur ayaaba yaabay waxaanu ku idhi walaal Nasiim is daji arin ayaan doonayaa inaan in aan kaala hadlo waxbana ku raajin mayo,waxa ay ku tidhi waa maxay arinkaa adiga ayaan u imid inaan ku maqlee
Waxa uu ku idhi waanku jeclahay!!! Nasiim waa ay yaabtay waxaana ay ku jawaabtay ma aniga xataa maba garaneeysid wax aan ahay in aan inan ahay iyo in aan reer leeyahay adiga see waaye caadi ma tihid malaha, Nuur waxa uu yidhi walaal hayla yaabin waanku jecelahay waxa iga hadlinayaana waa jaceeyle, Nasiim waxa ay ku tidhi yay aheeyd inantii maalintii gaadhiga kula socotay, Nuur waxa uu ku jawaabay waxa ay aheeyd walaashay oo islaan noo habayara oo berbara dagan ayaan soo eegaynay.
Nuur waxa uu ku idhi walaal waxaan kaa dalbanayaa in aad wax ila qabato, Nasiim waxa ay ugu jawaabtay walaal waan ka xumahay waxba kula qaban kari mayo waana ay kacday waan tagayaa ayay ku tidhi.
Nuur waxa uu ku idhi walaal Nasiimeey inan gayaankaa ayaan ahay ee sidaa hay odhan ee kasoo fakir arinkan, waynu eegi ayay ugu jawaabtay, Nuur maarna xa uu xasuusan kalgaceeylka iyo jaceeylka dhexyaala isaga iyo Aamina ee dhinac ayuu iskaga weeciyay.

Inankii Nuur isbadal laxaadle ayaa ku imid qosolkii badna iyo farxadii Aamini ka wayday Tilifoonkii badnaa iyo netkii lagu chatami jirey waa uu yareeyay Aamina yaab ayaa ka soo hadhay uqaadan waa ayaa ku dhacay sababtoo ah inanka si qayrul caadi ah ayay isku jeclaadeen hadana qof bina aadmi ah wax walba ka filo Nuur waa isbadalay , inantii Nasiim ayuu halkii kala qaaday bilaabayna inuu dhankeeda u wareego waanu u wareegay ,maalmo kadib ayaa Nuur oo jawaab sugaya ay lasoo hadashay Nasiim, Nuur farxad ayaa kasoo hadhay Nasiim waxa ay u sheegtay in aay ka aqbashay codsigiisa aanay laa wadi doonto jaceeylkan curdinkaa, inankii Nuur iyo Nasiim iyagii ayaaba busy isku noqday Aaminana hawada ayaaa laga saaray muu xasuusan maahmaahda odhaneeysa ” midho goshaada ku jira kuwo geed saran looma daadsho “

Aamina ayaa lahadashay maalmo badan markii ay war ka weeyday waxa ay way diisay waxa helay , waxa uu ugu jawaabay in uu hawlo badan ku mashquul sanyahay Aamina ma ay ka rumeeysan lakin inyar way shaki baxday waxa aanay is tidhi malaha inanka hadalka ayaad ku badisay ee bal yara space sii Aamina way ka yara aamustay ,maalmo kadib ayuu lasoo hadlay kiiyoo maalmahaa ay Nasiim ka yara maqneeyd magaalada hawlo shaqo daraadood , Waxa aanu ku dhaleeceeyay iyadii inay jartay xidhiidhkii ka dhexeeyay,
Aamina waxa ay ku jawaabtay waala ogyahay dadka korodhsaday lakin waa iska caadi wax aad iyeeli karto ayaba iska yar caruuro ilamaad korineeyn biil aad isiin jirtay ood iga jareeysaana ma jiro.

Nuur waxa uu ku idhi walaal sidaa hayla hadlin ,Aamina waxa ay ku tidhi waayahay ma wax dhibaato ah oo aad iga tabaneeyso oon kugu sameeyay ayaa jira ,Nuur waxa uu ku jawaabay may , waxa ay ku tidhi maxaa farxadii iyo kalgacalkii kaa qaaday ,Nuur waxa uu ku jawaabay waxba igumaad sameeyn ee
Aniga ayaa go’aansaday in aan hadalka yareeysto, Aamina runtii meesha ma ay soo dhigan in Nuur oo ay sidaa isku jeclaayeen uu sidaa ugu jawaabo lakin waa aduunyo tani wax walba ka filo aduu maalintaa waa leeysla yara hadlay kalgaceeylkii badnaa iyo xiisahii ma uu jirin kadib waaleeys macasalaameeyay
Maalin danbe ayay tilifoonkiisii line ka shaqada ahaa garaacday markii uu ka qabtay ayaa ay ku tidhi waa Aamina ee iiwaran maxaad sheegtay ,waxa uu ugu jawaabay kuma xasuusto yaad aheeyd , waxa ay ku tidhi ma aniga ayaad sidaa ileedahay waxba malaha hadii aanad ixasuusaneeyn hays dhibin , waxa uu ku iri walaal xumaan ha u qaadan waxba ma xasuusto , Waxa ay way diisay in uu xanuun qabo xasuusta ka kaxeeyay waxa uu ugu jawaabay in aanu xanuun heeyn ee ay shaqadu ku badan tahay waad mahadsantahay ayay ugu jawaabtay teleefankiina way dhigtay maalintaa waxa ay aheeyd maalintii ugu danbeeysay hadal heeyn tiisa Nuur danbe , Aamina waxa loosheegay in uu Nuur la socdo naag Nasiim la idhaahdo ,Nasiim waxa ay ka timid magaalada london ee arliga engriis ka , Aamina waxa laga doortay inan ka timid wadan kale Nuur marka ma uu xasuusan wanaaga dhexyaala ee waxa uu ka raacay how are you da !!!

Nuur waxa cajabisay londonbaan ka imid ee maxaa ka danbeeyn ismuu waydiin ee hareerta ayuu jaceeyl kala bilaabay Nasiim, Nuur waxa uu soo galay sawiro farabadan kuwaa oo uu udiray Nasiim iyo ubaxyo badan iyo heeso uu ku dheehan yahay jaceeyl cajiiba,Aamina waxa ay hysay pasworka emailka Nuur maalin ay furtay ayay ku aragtay uabaxyada iyo jaceeylada leeysku diray,Nuur marna ismuu odhan adiga iyo Nasiim cid ayaa idin soo kala dhexgali wax leeysku wanaagsanaadaba Nasiim Biriiga ayay ugu qabatay Nuur iyo jaceeylkiisa!!! Waxa aanay usheegtay maalin Tiiyoo garaacday taleefankiisaa in la bixin doono oo la siindoono Inan ay ilmaabti yihiin oo ay noqon doonto qof guri le aanay usuura gaali doonina iyada iyo Nuur ineey isla hadlaan, kulmaan, leeysku ag arko sidaana ay isku nabad galiyaan.
Runtii Nuur arinkaasi lama filaan ayuu ku noqday waxa aanu taleefankii dhigay kiiyo argagax ku dhacay iyo uqaadan waa fajac iyo argagax, Nuur waxa ay aheeyd maalin Uu aad u murugoonayo,
Nuur aad ayuu umurugooday runtii kama aanu filaneeyn in Nasiim ay sidan ula hadli doonto waa qof bina aadmi ah ismuu odhan ee dawlad calanle ooloosoo diray ayuu moodayay oo haye mooyee aan mayaba laheeyn,Inantii Nasiim nin ayaa guursaday waxa ay noqotay afo guri le Nuurna halkaa ayay ku iloowday walaa salaam walaa hadal danbe Nasiim waa ay noqotay ilaa London, Ninkeediina way usoo ashkatootay halkaana ku kaxeeysay Nuurna halkaa ayaa lagu dhaafay Aaminadaadii ayaa ku nabsiday ayuu is idhi waanu iska murugooday. Waxa uu idhi maahmaahda ah “fuloow guuli guu dhaweeydaa”
Aamina way la socotay waxa dhacay oo dhan runtii waa ay ka naxday jab lameey jecleeyn sababtoo ah waxa uu ahaa inankay jecleeyd guul ayay la doonaysay.
Bil kadib ayaa inankii Nuur oo guriga iska jooga goor casara inantii Aamina niyada kaga soo dhacday oo la horkeenay waxa aanu naftiisa ku canaantay in uu meel kaga dhacay si xuna ku sameeyay waxa uu Nuur go’aan saday in uu Aamina ku noqdo intaa ayaa Nuur ku soo dhacday niyadiisa isaga oo aan su’aalo kalaba is waydiin si dhakhsaaa ayuu gurigii kaga baxay waxa aanu tagay gurigii Aamina albaabkii ayuu garaacay
Waxa furtay inan ay Aamina walaalo yahiin, waxa ay aragtay in uu Nuur yahay Aamina iigu yeedh ayaanu ku idhi, Nuur ma uu xasuusan dhib ta uu ku sameeyay Aamina ee waxa uu is idhi aayar ayay soo noqon oo ilaahay ku xamdi naqi,

Aamina ayaa guriga kasoo baxday oo loo sheegay in uu Nuur ku sugayo dibada Aamina ayaa soo baxday,
Nuur ayaa si dagdag ah hadal isku daba rraaciyay oo ku iri Aamina walaal isaamax Aamina danbi ayaan kaa galay in aad igu soo noqoto ayaanan rabaa, Aamina waxa ay ugu jawaabtay walaal idhageeyso Nuuroow aniga oo daacad kuu ah ayaad qayr keey iga raacday kuuma aan dudeeyn ee ducaaan kuugu daray sababtoo ah qof ibnu aadam ah ayaad aheeyd wax walbana waa suura gal ma markii laguugu saydhiyay jaceeylkii aad la carareeysay ayaad is tidhi tu jaceeylkaagaa u baahan ayaa jirta.
Imika iyo haatana jaceeylkaagii waanka bogsaday ee irida iidhaaf amaana aan kaa helo.

Nuur naxdin labaad ayay ku noqotay marna ismuu laheeyn Aamina ayaa maya ku odhan Nuur marna
Ismuu odhan maya ayaaba afkeeda kasoo baxi, Nuur mar labaad ayuu kali noqday nabsigii uuka galay Aaminana helay Nuur waxa uu go’aan ku gaadhay in aanu inan danbe la hadal marhadii laba wal oo isku macaanaa oo si daran isku jecelba ay wadada kala maryaan, waxa uu ogaaday in aanu jaceeylkuba wax kasoo qaad laheeyn mar haadii wadada leeysku dhigayo, sheekada haweena halkaa ayuu ku daayay Nuur noloshiisana kali ayuu ku go’aan saday in uu ku dhameeysto.

Aamina bilo kadib ayaa laguur saday waxa guursaday inan ka imid wadanka mareeykanka, Aamina waxa ay u wareegtay wadanka mareeykanka halkaa ayaanay go’aansatay ineey ku noolaato inta ka hadhay nolosheeda Aamina mareeykan ayay joogtay markii udanbeeysay iyada iyo ninkeeda waxa aanay lahaayeen saddex caruura laba inamood iyo inan halkaa ayaana iigu war danbeeysay

Qoraaga sheekadan waa Zamzam Hassan aw Ali

Mahad naq
Asxaamtayda kala ah:-

Yaasmiin mohamuud abdirahmaan
Sacdiya abdirahman sh.bashiir
Kawsar aadan balayax

Wixii talo ah iyo tilmaama fadlan kusoo hajaaji:-

Casiisa2002@hotmail.com

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo ilaa ogolaansho Laga Helo Qoraaga sheekada

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s