Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Ha iman Lahaydaa! September 23, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 7:13 pm

                                         

RiiraashWax kasta oo uu is-diidsiin jirey, maanta waxa uu damacsan yahay inuu si toos ah uga fekero, in kasta oo uu haddana go’aankaas uu qaatay, Mooge maanta waxaa u shidan xabbad sigaar ah. Oo inta uu nuugo qiiq hawo la moodo dalqada ilaa sanbabada geynayaa, wax kasta waxa uu ka jecel yahay inuu xusuustiisaas luntay dib u soo celiyo. Waxa uu dib u milicsaday noloshiisii hore iyo tan iminka uu ku nool yahay, taas oo uu marar badan maleeyey inay noloshiisii hore dhaantey tan hadda uu ku nooly ahay, laakiin waxa uu hubaa in ay tiisii hore u wanaagsanayd xag kasta.

Mooge muddo hore ayuu ka mid ahaa dad qaxootininmo ku yimid qurbaha, ha yeeshee waxa uu kula kulmay wax isaga markii hore ceeb u ahaan jirey, balse halkan caado ka ah. Si kasta waxa uu isugu deyey inuu si kale isaga faquuqo, oo aanu dabciga iyo dhaqamadaas qalaad ku dhex milmin.

Waxa uu ahaa xerow aan gurigooda dhinac u dhaafin, hoyga u daganaa waxaa ku dhaganaa mowlac mararka qaar uu mu’adin iyo imaam ka ahaa, marka uu Iskuulka caadiga ka yimaada, ee uu qadeeyo waxa uu seexan jiray hurdo yar oo gaaban, marka salaada casar la eedaamana si ay maskaxdiisa ku buuxsantahay ayuu boodi jiray, inta uu Khamiis iyo koofiyad xidho ayuu salaada casar misaajidka gurigooda mid ka durugsan is ka dhiibi jiray, isagoo malaha ajar ka dayey misaajidba misaajidka uu ka fogyahay, afarta rag cadood ee salaada marka uu dhameeyana inta uu kitaab la soo kala baxo ayuu halka u danbaysa la fahdhiisan jiray, marka uu jis ama laba jis ka tuurana, inta ay koox isku mid yihiin is raaceen ayey maqaayada ugu dhaw dhawr fujaan oo shaaha ka fuudsan jireen, oo ay ku sheekaysan jireen inta salaada makhrib uga hadhsan, kii shaaha u baahdana way u biisi jireen, oo ku cel-ceshan jiray ilaa uu ka ugu danbeeya ka xaraaro baxo shaaha. Markaas ka dib ayey hareeraha jalleeci jireen oo ay eegi jireen kuwa yaga la mid ah, oo uu shaydaan duufsaday oo meelaha mijin garaabo ah la yaxoobsan, oo khiyaal iyo been isugu sheekaynaya, waxay moodi jireen in Ilaahay yaga uga eexday oo uu soo hanuuniyey, markaasay inta ay shaydaan ka iska naaraan, toban laabkeed niyadda ka naari jireen, marka mid iyaga saaxiibkood ahaa, oo la mid ahaa oo dhankaas u leexday arkaanna salaanta marka uu u soo taago kamay qaadi jireen, waxayna ku tirin jireen nin falaagoobay, oo aan rajo badan lahayn, dib danbaysana kumay fikiri jiren inay soo yar maslaxaan, oo ay dib u soo maslaxeeyaan. Waxa uu kooxdaas ku jiraba Mooge, ayaa markii danbe reer ay wax isku yihiin oo layn qaxootinimo uga soo baxay, Dalka Ingiriiska isagana liiskii xagga danbe kaga daba daray.

Waxa la siiyey Mooge guri gooni ah, oo ku yaalla galbeedka magaalada Londhon oo ay somalidu ku badan tahay, waxaa geeska kastaba jaar la ah reero dullaysan oo is wada dhex yaacaya , kuwaas qaar ka mid ahna muddo ka hora ayey waddanka soo galeen, oo waxay qaayibeen dhaqankaas oo xag kastaba ay ka raaceen, waxa uu is waydiiyey dadkan waxa ka siya, iyo sida ay yihiin ee ay u dhaqmayaan, haddana waxa uu gar isugu siiyey inuu is moogaysiiyo, oo sababta magaciisa Mooge loo baxshay uu ku dhaqmo, wax kasta oo la waydiiyana waxa uu kaga bixi jiray “Mooyi” dadka xaafada ku dhaqanna waxay ugu yeedhi jireen markii danbe Mooge Mooyi.

Mooge waxaa isku galay shaqooyin iyo nolol maalmeedkii oo ku adkaaday, taasina waxay ugudbisay in uu salaadii uu shanta wakhti fooda ku hayn jiray, oo uu habeenkii is wada raaciyo, marar badan ayuu isku dayey in isaga oo shaqada ku jira tukada, laakiin markii uu waayey wax tukanaya oo dhawr jeerna lagu canaantay isagoo wakhtigii salaada u baxay, ayuu ku fikiray inuu guriga ku wada tukado. Maalintaas uu bilaabay in uu salaadda is wada raaciyo qalbigiisi xaggii fiicnayd oo dhan way ka sii maydhmi jirtay, Mooge wax uu bilaabay in uu sii fiiriyo mid taf qaawan oo tareen ku sii ordaysa, mid ku tiirsata isagoo tareenka saaran, oo uu niyadda ka sii doonay inay ku sii hayso gaaddada ay saartay, waxa uu niyeystay isagoo guriga kula jira haddana si kale ayuu isku diidsiiyey, oo waxa uu is yidhi camal shaydaan, oo uu doonayo inuu kuu qurxiyo, hase ahaate marka uu sidaas is yidhaahdaba, haddana si kale ayey maskaxdiisa ugu soo maaxan jirtay, marka uu kursiga baska fadhiisto ee mid ilaa hoosteedu muuqato soo ag istaagto, waxa uu isku dayi jiray in uu isha ku xado, balse marka lagu qabto ayuu iska dhigi jiray nin isha la helay.

Waxaa u yimid la ba dhalinyaro ah, oo inbadan salaanta ku boobi jiray oo marka uu uga jawaabi waayana, suufiga , ninka waalan, seef la boodka iyo hadalo noocaas ah ayey ku duri jireen, laakiin isagu uma bici jirin, isaga laftiisu waa uu is ogaa in aanu sidii hore ugu adkayn diinta, laakiin wuu iska dharagsanyahay, in aanu sidii hore ahayn, oo far cidideed ku taaganyahay. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Warfaa, oo labadii dhalinyar ta ahaa ee wadada u istaagi jiray ka mid ahaa, ayaa si lama filaan ah, gurigii ugu soo galay, Mooge ayaa u qaadan waayey ninka sida lama filaanka ah ugu soo galay, balse salaan qabow oo turxaan yari ku jirto, ayuu ka qaaday, Warfaa waxa uu doonay in uu ninkan la saaxiibo, oo uu kar-kaarka waydaariyo, taasna waxay ugu suura gashay, si dhib yar, markiiba waxa uu u sheegay in magaciisa loogu yeedho,, Wiliam balse markii hore reerkoodu u yaqaanneen Warfaa, William aa!

Mooge waxa uu habeenno badan u kaxeeyey meel ay dhalinyar badan joogto oo ay ku cawaynayso cawayskii, waxa uu ku wareeray hadaladooda meel uu u saarana wuu garan waayey. Waxa uu la yaabay sida ay ingiriisidii uu bartay, u qal-qaloociyeen, si kasta uu ahaadaba waxa uu ula qabsaday si dhib yar, markiiba William ayaa ka badalay magaciisii hore, markiibana Mooge waxay u bixiyeen Moi.oo ay ugu badaleen magaciisii hore, waxa uu ku biiray Kooxda xaafada ka tirsan oo uu ka gaadhay hogaamiye ku xigeen, habeenkii waxay qaybsadaan waxay soo helaan, oo ay mararka qaar isku dilaan, caagado yar-yar ayeyna kukala shubtaan. Waxkale oo sida waraaqda ay u duubaanna way isku wareejiyaan, illaa ka u danbeeyaa soo gaba-gabeeyo, Mooge marka kalkiisa la gaadho ayuu dhuunta gaadhsiiyaa qiiqa, oo soo celin waayaa wax qiiq ahba, waxa uu xulaa mowjado hawo ah, markaas ayuu dareemaa inuu janno been ah ku jiro, oo uu mooda xidigaha samada in uu ku dhex mushaaxayo, waxa uu maleeyaa isagoo meel doog leh, oo barwaaqo ah, oo dar aanu garanayn u talinaya, mararka qaar waxa uu kala dirayey, gole meel fadhiya oo uu shaqooyin mihiim ah u dirayey, waxa uu niyaddiisu tustay isagoo Suldaan ah, oo wadanka iyo duulkaba u xukun ku haysta, Mooge habeenkasta marka waxii labi iyo tobanka ka danbeeya, ee asxaabtiisu isu timaaddo, ee ay wareejinta u dhiibaan, habeenkasta waxa uu dhistaa boqortooyo isaga u gaar ah, oo ayna cidina arkayn, nolol kasta oo uu soo maray ayuu moodaa inay ahayd riyo soo dhaaftay, laakiin hadda waxa uu u haystaa inuu tii dhabta ahayd hayo, marka uu arinkaas galo, ayuu ku fikiri jiray inuu mar hore baddan soo galo ay ahayd, raaxada iyo bilaa war-warka ah.

Mooge marka uu tago meel ay clup ku sheegaan, waxa uu miistaa waxa kalaabka yaallo oo dhan, illaa shilinka jeebkiisu ku hadho dhamaado, marka uu ka dhargana, waxa uu isku daraa hadalo jin iyo qaylo ay dadka meesha joogaa dhibsadaan, dabadeed laba nin oo xoog wayn ayaa inta ay garbaha qabtaan banaanka u wadhfiya, habeenkaas ayuu seexdaa meelaha hoose ee gidaarada ku dhereran, lacagtii caydha ahayd ee uu qaadan jiray waxay kaga dhamaataa dhawrka cisho ee u horraysa, waxa uu iska daayey shaqooyinkiisa gaarka ahaa, waxa uu Mooge ka dhacay noloshiisii , waxa uu noqday bahalo galeen u go’ay gunimada. Waxaanu is taagay heer aanu is qaban karin, marna kumuu fikirin bal wadadii hore ee wacnayd ku noqo, laakiin dhawr jeer ayuu isku dayey waanu ku guul daraystay, dhawr jeer ayuu dhacitaan isku dayey oo uu dhacay dhawr Macdaar oo xaafadda Galbeedka magaalada Landhon ku taallo qotamay, balse dhawr jeer markii ay qabatay kamaradii ayaa looga yeedhay saldhiga bilayska, loona digay oo loo caga jugleeyey, waxaana loogu hanjabay in la xidhi doono ama la mastaafurin doono, fara waawayn oo jidhifaystayna waa laga sawirtay, dhawr jeerna waxaa lagu xukumay billooyin anshax celin ah. Haddana waxaad baratay waa baas’e halkii uunbuu ka miisaa, tol iyo qaraabana way kala go’een waxaanu noqday dayro aan la waraysan waxa uu ku suganyahay iyo xaalkiisaba la isma waydiiyo, han waynidii loo hanwaynaa waxa uu ku badalay in la hiifo lana haaraantinimeeyo, si kastoo uu yahay Mooge wuu is ogyahay halka uu marayo, iyo hawada uu ku jiro, mar waxa uu niyadda ka habaaraa William iyo waxa uu sheegto, marna waxa uu Alle u baryaa inuu rogo qurbo iyo waxii dhul gaaleed ahba, mar ka ugu danbaysana waxa uu caayaa reerkii laynka xagga danbe kaga daray.

Markii uu fakirkii ka soo noqday oo uu sigaarkii dhamaystay ayuu inta indha uu isku qabtay is ka sii daayey dabaq lix iyo toban dabaq ka koobnaa oo uu iska shalwiyey, waxanu sii lahaa “HA IMAN LAHAYDAA” oo uga jeeday halkan iyo sida uu ku noqday, ambalaas ayaa yimid oo lafihiisii oo dhulka ku daatay inta uu isku aruuriyey ku awday tallaagad , qolka maydka loogu talagay halkaasna ku khaatuma beelay, Aakhirana xaalkiisa waxa kaga horreeya wuu is ogaa,,, tiifiyadiina yaga oo wararka boobaya, ayey ku hadleen Mooge oo loo yaqaanay Moi, ayaa is ka soo halwiyey, dabaqa lix iyo tobnaad ee xaafad ku taalla galbeedka London, Soomaalidii meesha joogteyna waxay kaga dhegtey, oo hal-hays u noqotay HA IMAN LAHAYDAA!

AHMED RIIRAASH
ahmedrirash@gmail.com