Where Education Talks

Empowering Somaliland Students

Halyeyadii u soo halgamay waxbarashada casriga ah iyo halgankoodii ”Shamac bay noo shideen, aan shiiqin weligiiye September 20, 2009

Filed under: Uncategorized — aqoonkaab @ 6:24 pm

Ummad weliba waxay leedahay baadi-sooc ay kaga duwantahay ummadaha kale. Taariikhda sooyaalka ah ayaa ka mid ah, in lagu kala duwanaado. Guud ahaan dadka soomaaliyeed waxay isku raacsanyihiin, in qoraal la’aanta, aan waxba laga qorin dhacdooyinkii soo maray soomaalida ay sabab u tahay, afka soomaaliga oo aan qornayn. Anigu taa ma qabo oo dhaqan baa jira innaga horjooga qoritaanka. Waxaan taa daliil uga dhigayaa, maanta waxa jira dad badan oo wax qori kara, hadday tahay afsoomaali, ingiriisi, carabi, xataa afka shiinaha waxa la helayaa soomaali wax ku qori karta, oo ku gabayda. Nasiib darro ilaa maanta waxbadan baa qabyo ah. Waxba yaanan ku dheeraan qodobkaas, ee aan u soo daadego qoraalka iyo ujeeddadiisa. Erayga waxbarasho, waa eray ka kooban laba qaybood oo kala ah “Wax” iyo “barasho”. Sidaa daraadeed macnuhu waa noockasta oo la korodhsado. Laga soo bilaabo marka ilmuhu dhasho ilaa uu ka god-gelayo waxbuu baranayaa.

Dhinaca kale haddaan iska taago. Waxbarashada soomaaliyeed waxay bilaabantay xilli aad u fog. Waxaanay xoogaysatay ilaa bilawgii diinta islaamka. Waxaynu taariikhda ku haynaa Sheekh Yuusuf Al-kawnayn oo soomaaliduna u taqaanno AW-Barkhadle ayaa dejiyey qaabka higgaada afsoomaaliga, marka la dhiganayo xarfaha carabida. Waxaana sal u ahaa barashada quraanka oo uu Aw-Barkhadle isku deyey inuu fududeeyo, ilaa maanta deegaannada soomaalidu degto waa lagu bartaa, waxaana ka mid ah qaabka loo higgaaddiyo “Alif waxmaleh, Ba hoosku halleh, Ta korku labo leh”. Waxaan qodobkaa u soo qaatay, Waxbarashada soomaaliyeed may bilaabmin dhowaan ee waa 1000 sannadood iyo wixii ka horreeyey. Intaa dabadeed waxa jirta in aqoonta casriga ee salka uu u yahay saynisku, ay adduunka ku baahday. Aqoontaas oo laga faa’iiday waxfarabadan, adigoon meel kaleba ka eegin meesha aad ka akhriyeyso maqaalkan, aqoontaa ayaa sal u ah.

Haddaba aqoontaasi sideebay ku bilaabantay? Goorma ayay bilaabantay? Yaa bilaabay?. Inkastoo aan ka afeef dhiganayo, anigoon hayn xog farabadan oo u baahan in la ururiyo. Waxaanse isleeyahay waxkastaba meel bay ka bilaabmaan oo maqaalkani ha noqdo baaq! ku jeeda dadka oo dhan, gaar ahaan inta xogta badan haysa. Dhammaadkii sannadihii soddomaadkii ilaa bilawgii afartamaadkii ee qarnigii tegay ayay soo shaac baxday dedaalka, aqoonta casriga ahi. Inkastoo maamulkii ingiriisku isku deyey dhawr jeer oo hore, inuu bilaabo qaab waxbarasho oo manhaj la raaco leh, laakiin inta badan waxa ku hoos lifaaqnaa kaniisado ujeedadoodu ahayd fidinta diinta masiixiga. Bilawgaa hore waxa ka horyimi maamulkii ingiriiska kacdoon uu dhaafi kari waayey. Sannado badan ka dib ayaa waxa bilaabmay dareen soomaaliyeed oo xoogaystay bilawgii afartamaadkii. Hadaba waxaan u holladay oo aan qalinka u qaatay wax-ka sheegga halyeyadii bilaabay ee salka u dhigay aqoonta casriga ah. Marka hore aan soo qaato magacyadoodii.

1. Maxamuud Axmed Cali
2. Cabdisalaam Xasan Mursal
3. Maxamed Shire Maxamed
4. Yuusuf Xaaji Aadam Qabille
5. Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”

Shantii inoo shiddey shamacii aqoonta casriga, waxkale innagoon ku tarin miyeynu naqaannaa magacyadooda. Dadka badidoodu ma garankaraan shantaa halyey ee halgankoodu ahaa kii salka u dhigay, aqoonta casriga ah. Hadii aan sii dhaadhaco, oo sii guda galo halyeyadii, aabayaashii waxbarashada. Ilaahay haw naxariistee Maxamuud Axmed Cali ayuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee nasiib u helay inuu waxbarasho ku soo qaato dalka Suudaan. Markii uu soo laabtay ayuu ka bilaabay magaalada Berbera Dugsigii ugu horreeyey. Muddo yar kadib waxa iyaguna baxay labo kale. Ugu danbayna tiradii waxbarshada soo qaadatay waxay noqdeen shan. Waxaad dib u eegtaa dalka Somaliland oo aanuu jirin qofkeliya oo waxbarshada noocaas ah fikrad ka haystey xilligaa. Maxamuud Axmed Cali oo hoggaankii waxbarsho sidaa ku hoggaamiyey ayaa afartii kale u kala diray goobo kala geddisan.

1. Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”…………….Burco
2. Cabdisalaam Mursal Xasan “Suudaani”………. Boorame
3. Yuusuf Xaaji Aadam “Qabille”……………………… Hargeysa
4. Maxamed Shire Maxamed “Gaab”…………….. Berbera

Afartaa magaalo ayey ka bilaabeen halgankoodii. Waxyaabaha xiisaha leh waxa ka mid ahaa, inuu ka hor yimi kacdoon weyni oo qaabab kala geddisan lahaa. Ilaahay haw naxariistee Yuusuf Ismaaciil Samatar oo hawshiisii ka bilaabay Burco ayaa warqad u soo diray Maxamuud Axmed Cali oo Berbera joogga. Gaandi wuxuu u sheegaayey in uu ku guuldarraystay hawshii uu Burco u tegey, wuxuuna warqadda ku soo qoray ” Innii dacawtu Qawmi laylan wa-nahaaran falam yasid-hum ducaa’ii ilaa firaaraa”. Waana aayad ku jirta suuratul Nuux. Yuusuf Ismaaciil wuxuu u sheegayey in uu halgankii ku daalay oo iska daa! cid waxka dhegaysata’e in laga sii yaacay. Maxamuud Axmed Calina wuxuu ugu soo jawaabay “u samir” oo samirkii Nebi ayuub yeelo. Waxaad halkaa ka dheehanaysaa sida adag ee looga horyimi dedaalkoodii. Ishortaagga nidaamka waxbarashada cusub waxa sal u ahaa, baqasho ay dadka reer Somaliland ka qabeen, in aqoontaasi ay horseedi karto xumaan. Culimadii diinta islaamkuna arrinkaa way ku kala qaybsameen.

Khilaafkaas oo gaadhay in xataa laysula tago culimadii jaamacadda islaamka ee Masar. Culimada taageertay in waxbarshada casriga ahi, aanay xaaraan ahayn, haddii aanay ka hor imanayn diinta islaamka waxa hormood u noqday Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, oo markii danbena ka qayb qaatay dejintii manhajkii waxbarshada. Waxa kaloo ku weheliyey taageerada culimada Sheekh Adam Xasan oo ku magacdheeraa Sheekh “Kulmiye”. Doodahaasi waxay ahaayeen kuwo aad u xiiso badan oo u baahan in laga faa’iidaysto oo la qoro. Cabdillaahi Maxamed “Fidaar” oo ka mid ah tiirarkii sii dhaqaajiyey waxbarashadii bilawga ahayd. Muddo dheerna soo ahaa macallin ayaan wax ka weydiiyey raggii shidey shamacii aqoonta casriga wuxuuna yidhi: “Waxay ahayd in halyeyadaa mudnaantoodii la siiyo. Wuxuu Cabdillaahi tusaale u soo qaatay, in ugu yaraan sawirradooda oo taariikhdoodu ku hoostaalo la sudho dugsiyada Somaliland. Wuxuu Cabdillaahi warbixin dheer ka bixiyey qaabdhismeedkii Dugsiyadii Somaliland. Tusaale ahaan Dugsigii tababarka macallimiinta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanay VTC, kuna yaalley Boorame oo la furay 1952.

Dugsigaa tababarka macallimiinta oo markii danbe loo kala qaybiyey tababarka maamulka iyo tababarka macallimiinta. Ardaydii dhinaca macallimiinta kasoo qalin jebisay waxa ka mid ahaa Cumar Carte Qaalib. Dhinaca maamulka waxa ka mid ahaa ilaahay haw naxariistee Cabdiqani Garaad Jama. Way badnaayeen ardaydii ka soo qalin jebisay dugsiyadaa tababarka, kuwaasaana noqday markii danbe hoggaankii maamulka iyo Dugsiyadaba. Aqoonta dugsiga sare waxa ugu horraysay meel laga bilaabo magaalada Sheekh 1954, balse muddo yar ka dib waxa loo wareejiyey Cammuud oo laga soo raray dugsigii tababarka, loona soo wareejiyey Sheekh. Qoraalkan oo ah dulkaxaadis, wuxuu u yahay baraarujin inta haysa xogta aasaaskii waxbarashada Somaliland. Qoraalkani wuxuu baaq u yahay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan, ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo dhammaan intii u soo halgantay in dadkeenu helaan aqoon, ay kula tartami karaan ummadaha kale. Waxay innaga mudanyihiin in loo duceeyo, waayo, macallinku wuxuu ka tagaa dad ka faa’iidaysanaya aqoontii uu u gudbiyey ardeydiisii, taasoo noqonaysa sadaqadda aan gudhin.

Fiiro gaar ah!. Fadlan, qofkii haya xog ku saabsan bilawgii waxbarashada Somaliland, igala soo xidhiidh emailka hoosta ku qoran. gacanlibaax2001@yahoo.se

Qore: Sayid Maxamed Yusuf “Dhegey”
Xubin: Ururka Qoraaga Somaliland
Sweden